Raysal Wasaaraha Itoobiya Mugdi Geliyey Dedaalo Way Wadeen Midawga Afrika

0
Saturday November 28, 2020 - 17:10:18 in News by
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Mugdi Geliyey Dedaalo Way Wadeen Midawga Afrika

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Mugdi Geliyey Dedaalo Way Wadeen Midawga Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Mugdi Geliyey Dedaalo Way Wadeen Midawga Afrika


Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ergada uu midowga Afrika u magacaabay xaaladda gobalka Tigray u sheegay in dawladdiisu ay diyaar u tahay in ay wadahadal la gasho xisbiyada siyaasadda ee sida sharciga ah uga shaqaynaya gobalka Tigray, iyo sida oo kale ururrada bulshada rayidka ah iyo wakiillada dadweynaha Tigray. Taas oo meesha ka saaraysa in uu la hadli doono xisbiga TPLF ee talada gobalka haya, dagaalkuna ka dhexeeyo.




Waxa uu ammaanay cid uu ugu yeedhay saaxiibbada Itoobiya ee sida waxtarka leh ugu lug leh hawlgalka ay dawladda Itoobiya ka waddo gobalka Tigray. Waxa kale oo uu u mahadnaqay ergadan iyo hoggaamiyeyaasha Afrika oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin in Itoobiya sida ay doonayso iyadu ay ugu taageeraan xikmaddooda iyo taladooda.


Hadalladan raysalwasaare Abiye Axmed ayaa muujinaya in aanu diyaar u ahayn in uu joojiyo dagaalka Tigray illaa uu ka gaadho bartilmaameedkiisa.


Ururka Midowga Afrika ayaa toddobaadkan baajiyey kulan uu golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey doonayey in lagaga hadlo arrinta woqooyiga Itoobiya. Midowga Afrika waxa uu ku dooday in ay tahay qadiyad u taalla Afrika oo ay waajib tahay in wax ka qabashadeeda marka hore looga dambeeyo Midowga Afrika.


Arrintani waxa ay mdow gelinaysaa rajadii ay hoggaamiyeyaasha TPLF ku qabeen in beesha caalamku soo farageliso xaaladda, xukuumadda Abiy Axmedna ku cadaadiso in ay dagaalka joojiso wadahadalna la gasho TPLFo. Laakiin Abiy Axmed ayaa ku celcelinaya in waxa keliya ee dagaalku ku joogsan karaa uu yahay hoggaamiyeyaasha TPLF oo is dhiiba ama la qabto.
Loading...
Loading...