Doorka Wasiir Kaahin Ee Arimaha Gudaha Iyo Saamaynta Wasiirada Laascaanood U Tagay Nabadayntaa Adhi-cadeeye

0
Saturday November 28, 2020 - 17:03:05 in News by
  • Visits: 1422
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorka Wasiir Kaahin Ee Arimaha Gudaha Iyo Saamaynta Wasiirada Laascaanood U Tagay Nabadayntaa Adhi-cadeeye

    Doorka Wasiir Kaahin Ee Arimaha Gudaha Iyo Saamaynta Wasiirada Laascaanood U Tagay Nabadayntaa Adhi-cadeeye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorka Wasiir Kaahin Ee Arimaha Gudaha Iyo Saamaynta Wasiirada Laascaanood U Tagay Nabadayntaa Adhi-cadeeye


Mudo badan oo ay Talada Dalka haysey hadda Xukuumada uu hogaanka U hayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo hada Sadex Sano Fooda La Gashey, Waxa jirey Dhacdooyin Badan oo Dhinaca Xaalada Amaanka la Xidhiidha oo intooda badani ka Dhaceen Gobolada Bari ee Somaliland, Kuwaas oo Sababey Dhimasho iyo Dhaawac iyo Xaalado Colaado Sokeeye oo u Dhexeeya Beelo oodwadaag iyo Ab Wadaag Labadaba ah.


Wey jirtey in Mudo dheer si aad ah loo hadalhayay Kaalinta uu Ka Gutey Dhinaca Amaanka Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Qeybo badani saluugsanaayeen Doorkiisa Wasiir ee Gudashada Waajibaadka Dhinaca Amaanka arimo badan oo Xagiisa ka Khaldamay Awgeed, iyadoo ay Taa u Dheer Tahey in aanay habayaraatee jirin Firfircoonaanta iyo Feejigada looga Baahan Yahey Wasiirka Arimaha Gudaha marka loo sii dhabogalana Wasiir Kaahin aad Moodo in uu u Muuqdo Sarkaal Waayo arag ah Haseyeeshee, Hawlgab ah Wakhti Xaadirkan.

Haddaba Maalmihii u Dambeeyay Waxa soo baxayay hadalhaynta ah in Tan iyo intii uu Xukuumada Madaxweyne Biixi Kamid Nqodey Wasiirka xanaanada Xoolaha Siciid Sulub Maxamed ay Soo baxayeen ama jireen Dareeno La Xidhiidha in uu indhawaale Wasiir Sulub si dadban u Qabtey Xilkii Gudashada Waajibaadka Wasaraadda Arimaha Gudaha ee La Xidhiidhay Arimaha dhinaca Amaanka, oo uu Xadhigeeda Soo helay Kadib Markii ay Mudo Bilo ah kuwada Sugnaayeen Isaga iyo Wasiir maxamrd Kaahin Deegaanka Ceel-Afweyn ee Mushkiladoodu soo Noqnoqatay Waxa uu Wasiir Sulub soo helay Siro dhinaca labada Beeloodba siiyeen oo Ku Sahabsan Xudumaha Colaada Daba dheeraatey oo ka Socon Waayay dhinaca wasiirka Daakhiliga.



Loading...
Loading...