Gudoomiye Cirro Oo Go'aan Ka Qaatay Cabudhinta Iyo Faragelinta Ay Xukuumadu Ku Hayso Saxaafada

0
Saturday November 28, 2020 - 16:48:09 in News by
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiye Cirro Oo Go'aan Ka Qaatay Cabudhinta Iyo Faragelinta Ay Xukuumadu Ku Hayso Saxaafada

    Gudoomiye Cirro Oo Go'aan Ka Qaatay Cabudhinta Iyo Faragelinta Ay Xukuumadu Ku Hayso Saxaafada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Cirro Oo Go'aan Ka Qaatay Cabudhinta Iyo Faragelinta Ay Xukuumadu Ku Hayso Saxaafada


Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka soo Horjeestay Farogelinta Saxaafadda Ee Wasaaradda Warfaafinta JSL.


Guddoomiyqha Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)' ayaa ka soo go jeestay oo ka digay Guddi faro gelin iyo Cabudhin Ku ah Suxufiyiinta iyo Hay'addaha Warbaahinta ee Somaliland oo ay Wasaaradda Warfaafinta ee Somaliland magacawday.

Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)' ayaa shir Jaraa'id uu Guriga uu Hargeysa ka degan yahay goor dhawayd Ku qabtay waxa uu sido kale kaga hadlay Diwaangelinta maalinta Berito ee 29/11/2020 ka bishan dib uga furmaysa Somaliland iyo àrimaha qabsoomida doorashooyinka la filaaya inay horaanta 2021-ka ka qabsoonto.

"Xukuumadda waxaan uga digayaa Inay qaadaan cashuuro aanay jidayn Golaha Wakiilada Somaliland, waxaana looga baahan yahay xukuumadda Kobcinta tababar siinta Iyo Abuurista Jawi Wadashaqeynayeed oo u dhaxeeya Warbaahinta Iyo Xukuumada". Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro
"Saxaafaddu guud ahaan, waa tiirka afaraad ee dawladnimada, waana halka xogta iyo wararka gaadhsiisa shacabka, kaalintan waxaa inoogu jira hablo iyo innamo diranayaal ah oo naftooda u huray sidii ay shacabka u gaadhsiin lahaayeen xogta la xidhiidha noloshooda, horumarkooda, dawladnimadooda, iyo wax kasta oo jira. Sidaa awgeed Xukuumad, Xisbiyo iyo Shacabba waxaa la inooga baahan yahay inaan dhiirigelino kuna xurmeyno hawsha adag ee dhaqaalaha yar ee ay ku jiraan.

Xukuumadda, waxa aan uga digeynaa in aanay qaadin cashuuro iyo takaaliif aan Golaha Wakiiladu jideyn iyo inay qaaddo talaabooyin aan loo marin dastuurka ama shuruucda dhaqan-galka ah ee JSL kuwaas oo lagu xakamanayo madax-bannaanida Saxaafadda ama lagu cabudhinayo Saxaafadda Guud ahaan."


Loading...
Loading...