Baarlamaanka Puntland Oo Aqbalay Codsi Uga Yimid Madaxweyne Deni

0
Saturday November 28, 2020 - 10:55:15 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Puntland Oo Aqbalay Codsi Uga Yimid Madaxweyne Deni

    Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 Mudane ayaa Xildhibaannada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 Mudane ayaa Xildhibaannada



Fadhiga 18-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada maamulka Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.



Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 Mudane ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL loo gudbiyey codsi Madaxweynaha Puntland Mudane, Siciid Cabdullahi Denni oo ahaa in ay socoto dhameystirka heshiiska Puntland iyo P&O Port ( DP-World) Dekadda Boosaaso.


Waxaa sidoo kale codsiga la socotay in loo daayo Golaha Xukumadda, iyagoo ugu dambeyntiina cod gacan-taag ah ku oggolaadeen 38 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamus 11 Mudane.


Dhinaca kalena, maalinta Isniinta 30 Bisha November, 2020 ayaa Golaha Wakiillada maamulka Puntland yeelan doona kulanka La Xisaabtanka Golaha Xukumadda.

Loading...
Loading...