Mudankii Uun'kow Udgoonaw Rasuulkii. Q/5aad.

0
Saturday November 28, 2020 - 10:04:19 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 742
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudankii Uun'kow Udgoonaw Rasuulkii. Q/5aad.

    Salalaahu Calayhi Wasalam. Qalinkii: Axmed Cali Kaahin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Salalaahu Calayhi Wasalam. Qalinkii: Axmed Cali Kaahin.

Gunaanadkii Sheekhu Maxamed Jamiil Saynuu Wuxuu ku soo khatimay kitaabkiisa Shamaail Muxamadiya haddii Rasuulkeena Jacelnahay waa in dhaqankiisii ku tilmaanaa gaar ahaan arrimahan soo socda ee uu taxay.

1.   Ka dheeraw xumaanta, waa wixii foolxun hadal ama ficil.

2.   Haddalkaaga hoos u dhig markaad ku dhawaaqayso gaar ahaan markaad bulsahda la joogto, haddaanad adigu ahayn ka hadlaaya.

3.   Xumaanta wanaag kaga jawaab, iskana cafi cida ku xumaysa, una dulqaado, hana  ciqaabin, hana goyn.

4.   Shaqaalaha ha karhin, hana canaanan, ama saaxiibadaa, ama caruurtaada, ama ardaydaa, ama xaaskaaga, haddii ay hawl ka gaabiyaan.

5.   Waajibaadka cidaa masuulka ka tahay ha ka gaabin, sida shaqaalaha hana bakhsin xaqooda ama cid kaleba .

6.   Ka dheeraw qosolka badan in yar mooyaane, badanaa qosolkaagu ha ahaado dhoola caddayn.

7.   Ka ha habsaamin soo dhawaynta martida, masaajiinta, dumarka, una dhibirsanawn kibirkana ka dheeraw.

8.   Qoyska shaqadiisa ku caawi haba ahaato in aad lax listo, ama cunto diyaariso.

9.   Xidho dharka inta u fiican ee aad haysato, gaar ahaan wakhtiga Salaada, Ciidaha, iyo Xafladaha.

10.                In aad dhulka wax ku cunto ha iska waynayn, iyo wixii lahayo in aad cunto kuna kaaftoonto inyar oo cunto ah.

11.                In aad shaqaalaha la shaqayso, haddii ceel la qodaayo, ama ciid la guraayo, taasina waa tilmaan wadda shaqayn iyo dhiiri galin

12.                In aanad amaanta badan jeclaan, kuna kaaftoonto sifooyin wanaagsan iyo shaqo wacan oo dheeraada.

13.                Ha iska hadlin hadal madhan, iyo hadal xajiin leh,  aad kaftantidba

14.                Xumaan ha samayn hana odhan haba yaraatee.

15.                Walaaladaa midna ha ku qaabilin xumaan, wajigaaguna ha furnaado.

16.                Waligaa ogow hadalka tolmoon ee macaan dhibtuna ka dheertaha

17.                Ha badsan kaftanka, hana odhan waligaa wax run ah mooyee.

18.                U naxariiso dadka iyo noolaha kaleba, si Allaah kuugu naxariisto.

19.                Ka dheeraw bakhaylnimada, waana mid la neceb yahay xaga dadka iyo ilaahayba.

20.                Hore u seexo, una toos cibaadada iyo dadaalka shaqada.

21.                Salaada jamaca dib ha uga dhicin.

22.                Ka dheeraw cadha iyo waxa kasoo baxa, haddaad cadhootana shaydaanka iska naar la fogeeyay. Waa dawo e’.

23.                Joogtee aamustaanta, hadalkana ha badsan wuu kugu qormayaa.

24.                Quraanka akhri si fahama iyo dhuuxid leh, dhagaysana, kuna camal fal.

25.                Ha celin Cadarka, badanaana isticmaal, gaar ahaan marka salaada.

26.                Caddayga joogtee, gaar ahaan Salaadaha.

27.                Ahaw mid geesiya. Runtana sheeg naftaadaba ha ahaatee.

28.                Ka maqal nasteexada cid kasta, kana digtoonaw in aad diido.

29.                Caddaalad ku dhaq Xaasaskaaga, Caruurtaada dhan kasta.

30.                U samir dhibaatada dadka, iskana Saamax,  si Allaah kugu dambi dhaafo.

31.                Dadka la jeclaw waxaad naftaaa la rabto.

32.                Salaanta badi markaad baxayso ama timaado, ama kulantaan iyo meelaha kale gaar ahaan suuqyada. Salaanta Islaamka.

33.                Nadiif iyo bilicsamaan ahow, jidh ahaan iyo dhar ahaanba badi.

34.                Ciradaada casee kana dheeraw in aad madoobayso.

35.                Ku adkaw sunaha iyo kudayashada Rasuulka Salaahu Calayhi Wasalam wuxuu saxaabada u sheegayn in ay iman doonto maalin in diinta lagu faro addaygaa, ajarkeedu u dhigmo, konton saxaabi ajarkooda oo kale. Sunanka ayuu ku jiraa xaddiiskaasi.

36.                Allow Nagu arsaaq ku dhaqanka kitaabkaaga iyo sunahaaga, naguna arsaaq jacalka iyo shafaacadiisa Rasuulka Rasuulka Salaahu Calayhi Wasalam. Sidaa waxa inoogu dhmaaday shantii qaybood ee kitaabka Shamaail Muxamadiya ee uu qoray Maxamed Jamiil Saynuu ilaahay miisaanka Camalka fiican ha u saaro. Inagana ha inagu Anfaco. dhamaad

 

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin                                                               


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...