Somalia Amni Uma Keeni Karo Shisheeye, Ee Waa In Dadka Soomaaliyeed Dib Isugu Noqdaan !

0
Saturday November 28, 2020 - 09:38:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia Amni Uma Keeni Karo Shisheeye, Ee Waa In Dadka Soomaaliyeed Dib Isugu Noqdaan !

    W/Q: Mohamed Abdi Jama

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Abdi Jama
Waxa wax lala yaabo iyo naxdin joogta ah noqotay in amniga dawlada Somalia uu noqday ka aduunka ugu hooseeya, sida ay warbixinta la yidhaahdo Global peace Index uu ku soo saaray  machadka daraasadaha dhaqaalaha iyo nabada  IEP , sidaasi oo kale ayaa warbixinta la yidhaahdo Global Terrorism Index na ay Somalia ka noqotay wadanka shanaad ee aduunka ugu khatar badan xaga saameynta argagixisada.



Waa wax laga damqado oo dhibeysa qofkasta oo binu adem ah in bil walba lagu laayo qaraxyo iyo is miidaamin dad shacab ah , masuuliyiin dawladeed amaba la beegsado madax ajaanib ah , waxa ay ku tusaysaa heerka binu adenimo iyo dadnimo laga taagan yahay waxa Somalia ka socdaa.



Somalia waxa ku sugan ciidamo badan oo ku dhow 30,000 kun oo ciidamada nabad ilaalinta iyo ciidamo kale oo badan isugu jira oo Somalia u jooga dawlad dhis iyo dano siyaasadeed oo kala wada duwan, waxaa lacag ku bixiya aduunka oo dhan oo waxaa gala boqolaal milyan oo dollar,  hadana in ay amni sugi kari laayihiin waxa ay noqoneysaa laba mid uun ;-


1- In ciidamada Somalia ku sugani aanay ujeedkoodu aheyn nabad ilaalin kaliya ee ay ku jirto in Somalia ahaato mashruuc waligii la maalo oo aan dhamaan , isla markaana aan laga filan karin rajo qaar soo wada.


2- In la garan laayahay cida lala dagaalamayo oo jaah wareer jiro,  oo ilaa maanta aan la sugin cadawga dadka ku laynaya Somalia , isla markaana magaca la isticmaalo ee shabaab uu yahay waraabe u taag loo sameystay saarista dambiga.


HADII LA KALA ADKAAN WAAYEY OO AJAANIB IYO SOMALIBA AMNIGA DADKA MUQDISHO IYO SOOMAALIYEED LA SUGI KARI LAAYAHAY XAL KALE MALA RAADIN KARAA ;


Waxa aan qabaa haa waa la heli karaa , oo waxa la yeeli karaa in lala heshiiyo ururada argagixisada ee Somalia ka dagaalamaya , waxaana sameyn karta dawlada Somalia oo caalamka tidhaahda na suga aanu wada hadalnee oo waxii naga soo baxa ku go'aan qaata.


Hadii tani suuragal noqoto oo ay hirgasho waxa aan is leeyahay wax badan oo kale ayaa meesha ka bixi doona oo maanta la laayahay dhinac loo saaro iyo meel lagu tiiriyo toona , hadii laakiin la is iloobo dhibta waa lala qabsadaa oo waxa dhacayaa waxa ay noqon doonaan wax aan lagaba damqan.


DAGAALKA SOMALIA KA SOCDAA WAA IMISA NOOC , MA ALSHABAAB KALIYA AYAA SOMALIA KHATAR KU AH ?


Dagaalka Somalia ka socdaa wuu badan yahay Al-Shabaab ha noqdaan cadawga ugu xun ee saldhiga u ah dhibaatooyinka hadana waxa jira dagaalo kale oo dhaqaale, siyaasadeed iyo dano laga leeyahay dalka Somalia oo dawlado shisheeye wadaan.


Waxa jira dadka soomaaliyeed in la kala yeeshay oo cidiba dal iyo dawlado kale aragtidooda iyo afkaarahooga u af duuban tahay, waxa meesha ka baxay dantii dadka soomaaliyeed lahaayeen ee ahayd in ay helaan dawladnimo u keenta amni iyo kala dambayn u abuurta nolol iyo xasilooni, arimahani dhamaantood waa dayac iyo masuuliyad daro ka timi dadka soomaaliyeed meelkasta oo ay ku  sugan yihiin.


Xataa marka ay marayso amni iyo dawlad dhis ee aanay aheyn siyaasad iyo wax kala jiidasho waxa ay ahayd in guud ahaan Jamhuuriyadii Somalia ee burburtay oo kala noqotay Somaliland iyo Somalia la is kaashado, laga mideysnaado in wax waliba oo dhib ku ah nolosha dadka , hadii ay tahay argagixisada , tahriibka,  mukhaadaraadka,  ka ganacsiga dadka iwm la iska kaashado , hadii la awoodana  Gobolka Geeska Africa oo dhami iska kaashado.


XALKU MUXUU NOQONAYAA , MAXAYSE SOMALIA KU DAMBAYN DOONTAA ?

Waa su'aal mudan in la isweydiiyo loona helo jawaab, sababta oo ah macquul maaha mudo soddon sano ah in dadka soomaaliyeed ay wadnaha uun farta ku hayaan oo ay ka werweraan dagaalo,  qax , barakac , saboolnimo,  nabadgalyo daro iwm.


Maanta ilama aha maalintii wax kale laga fekeri lahaa in ay tahay aan aheyn sidii dadka soomaaliyeed loogu abuuri lahaa nolol , deganaansho iyo xasilooni waarta ama laba dawladood ha kala noqdaan ama hal dawlad ha isku niqdeene, taasina waa masuuliyad u taala qofkasta oo in uun dadnimo iyo damqasho somalinimo ku jirto oo uu leeyahay damiir ka damqanaya waxii soomaali soo kala maray iyo waxa hada lagu jiroba.


Waxa ay u baahan tahay hogaan ka daacad ah in uu dadka wax u qabto oo uu u soo celiyo nolol iyo dawladnimo rasmi ah oo aan ku tiirsanayn cid kale , u tabaruca dadkiisa oo gaajo , guluf, dhaxan , roob iyo marxalad kasta oo soo waajahda ugu adkeysta si loo gaadho barwaaqada dambe iyo mustaqbalka wanaagsan ee ay Somalia yeelan doonto.

Image

Muxamed Dhimbiil

Mohamed Abdi Jama 
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...