Adeerkiibaba Dhaamo, Axmaarada Necbaan Jiray, Kanina Waa Awrkiraalaha, Dadka Lagu Ugaadhsado.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM[A.S.C.W.R.W.B]
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
1-UBADKII U URURSHEE,ERETERIYA GEEYUU,
IIBIYEY FARMAAJO,AXMAARO UGU DEEQO,
LAGU WAREEJI ABYE,INU SIISTAY MOOYEE,
OLOLBU KU GURAYO,WAA LOOMA OOYAAN.
2-ABAANKII CADAAWA,AADUYAA QABSADAYO,
UMMADI AYAAN DARAN,ABEESBA JAQAAYO,
ABRISBA SHIDHKA U GALAY,ILAMA U MADHIYO,
WAY EEGANAAYAAN,ALLUUN BAANAY LEEYIIN.
3-ADEERKIIBABA DHAAMO,AXMAARADA NECBAYO,
ISGAA WAX DILI JIRAYE,ISKA DA’A AXMAARKOO.
AJANEBI MA IMAN JIRIN,AGAGAAR DALKIISABA,
KANA AYGA WEEYAN,DADKA LAGU OGAADHSADO.
4-AFUUFI MAAYO NAARO,ISLAAM RUUX AH BAAN AHAYE,
ARIMAHAN DHACAAYAN,OGAADAYOO LA SARE KACAY,
UNA ADKAYSAN WAAYO,OGSADOON LA SELELAYUUNE,
AMBA MAAN JECLAADEEN,AMUURAHAN KA SHEEKAYN.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!