Yuusuf Garaad Cumar Oo Ka Hadlay Qarax Dhalinyaro Lagu Laayay Oo Ka Dhacay Muqdisho.

0
Saturday November 28, 2020 - 09:02:08 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yuusuf Garaad Cumar Oo Ka Hadlay Qarax Dhalinyaro Lagu Laayay Oo Ka Dhacay Muqdisho.

    "Waxay ila tahay in aan kor isu weydiinno su'aalo culus oo dhab ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay ila tahay in aan kor isu weydiinno su'aalo culus oo dhab ah"

Muqdisho (HWN) Yuusuf Garaad Cumar oo mar soo noqday wasiirka arimaha dibada Somaliya ahna suxufi wayn, ayaa ka hadlay qarax xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu laayay dad shacab ah.



Yuusuf Garaad ayaa sheegay in loo baahanyahay in shacabka Somalida laga koriyo jahliga, sidaasi waxa uu ku sheegay Yuusuf Garaad qoraal uu so dhigay barta uu ku leeyahay Facebook, waxaanu qoraalkaasi uqornaa sidan:-


Ka dib markii dhaawaca iyo meydka la qaaday ayaan xalay xilli dambe tegey makhayaddii uu qaraxu ka dhacay.


Dadka iyaga oo fiidsanaya la laayay waxay u badnaayeen dhallinyaro uu waalidkood wakhti badan geliyay, iyaguna dadaalay oo isa soo saaray. Waxaa billow u ahaa xilliga ay naftooda, tan waalid iyo walaal iyo dalkooda ay waxtari lahaayeen.


Nn aan iyaga aqoon, iyaguna aanay isaga aqoon, wax dhex marayna aaney jirin ayaa laga dhaadhiciyay in uu isagu horta is dilo si ay iyagu u dhintaan. Wuuna yeelay.


Waxay ila tahay in aan kor isu weydiinno su'aalo culus oo dhab ah. In aan Muhiimadda ay leedahay siinno in bulshadeennu ay ka korto jahliga iyo caddaawaadda dhexdeenna ah, kana billaabato in uu qof kastaa fahmo in ay nafthiisu qiimo leedahay.


Aan u wada duceyno oo Rabbi u barinno in uu dhaawaca bogsiiyo, una naxariisto dadka goobtaas naftooda ku waayay.


Allow samir iyo beddel wanaagsan sii carruurta ku agoontoobay iyo waalidka iyo walaalka wiilkooda la dilay.

Loading...
Loading...