Maxaad Ka Fahantay Hadalkan Dr. Gaboose Uu Ka Jeediyay Magaalada Gaashaamo, Marka Aad Siyaasiyan U Yar Jaleecdo.

0
Thursday November 26, 2020 - 09:35:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Fahantay Hadalkan Dr. Gaboose Uu Ka Jeediyay Magaalada Gaashaamo, Marka Aad Siyaasiyan U Yar Jaleecdo.

    W/Q: Mohamed Adan Gacayte

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Mohamed Adan Gacayte

"Aniga oo nin Habaryoonis ahi kula ma hadlayo, waxa kula hadlaya anigoo ah nin Habarjecelo ah, Mudane Madaxweyne in aad berri dhaafin Baalli dhaye, oo aad qadada ku yeelato, ayaan ka codsanayaa, is fahanka iyo midnimada ayey soo dhawaynaysaa"

 

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, oo hadalkiisa sii wata ayaa u soo jeediyey Madaxweynaha Dawlad deegaanka Somalida Ethiopia inuu Degmo siiyo Beesha Bariga Burco ee degan guddaha Ethiopia iyo deegaannada ku teedsan Xadka.

 

"Waxa kaloon kaa codsanayaa in degmooyink aad bixinayso ay Balli-dhaye ay noqoto ta ugu horreysa, waayo Beeshaasi waa beel culus oo illaa Indian Ocean-ka ku dhow tirro ahaan, markaa waxa aad noqonaysaa nin Hiil faro badan leh, haddii aad iyagana wax u qabato waxay noo noqonaysaa in aanu noqono walaalo ku jecel oo meel ka soo wada jeeda, waxaad ii sheegtay in aad wakhti siinayso Beesha Habar jecelo, oo aad la fadhiisanayso, taasna raalibaanu ka nahay".



Dadka Siyaasada falanqeeyaa waxay ku tilmaameen hadalka Dr. Gaboose xodxodasho siyaasadeed oo loo macnayn karo jeegaan siyaasadeed oo googal xaadh u noqon karta isbahaysi cusub oo labadan beelood midayn karta..! Taas oo uu marag uga dhigayo in cida wax kuu ogol ee ku danaynaysa iyo ka kale aad kala garato oonay kuu sinaan. Waar ninku libaaxsanaa....!

Maxay adiga kula tahay?

 

W/Q: Mohamed Adan Gacayte

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...