Maxaa Iiga Kidhiish Ah ( Abdi-Shotaly)!

0
Sunday February 03, 2019 - 10:28:09 in Articles by Super Admin
  • Visits: 1353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Iiga Kidhiish Ah ( Abdi-Shotaly)!

    kaas oo haad iyo habqale-ba ka haageene. Hada-ba waxan halkan idiin-ku soo gudbi-nayaa masaska ah, laba-iyo-luqun-madooba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kaas oo haad iyo habqale-ba ka haageene. Hada-ba waxan halkan idiin-ku soo gudbi-nayaa masaska ah, laba-iyo-luqun-madooba Marka aan is idhaaho talaabo hor u qaadba, shan talaabo baan dib u noqdaa, oo waxan is arkaa aniga oo siddii baabuur tiiro ka bixi kari-waayey dib isaga shubay buurta, halkii aan saaka ka bilaabay ayuunbaan arkaa anoo taagan, oo weli-ba halkii aan geer hore ka gelin lahaa, aan mid dambe u sii raaciyey iyo kii ciida ( Sand gear), oo uu iska-la kay laalaadiyey haadaan jilbis iyo abee-sooyin, ay ilaa dalqadda ii sii baneeyeen, intay labadii daan ii sii kala qaadeen, anna aan madax-madax u sii quluula-naayo, oo yaxaas afka ii sii kala waaxay, soo soco I leeyahay ( Waa Somalilande), ilayn wuxu bartay hilib-kaygan macaan ee aan walqi-naayo’e,


kaas oo haad iyo habqale-ba ka haageene. Hada-ba waxan halkan idiin-ku soo gudbi-nayaa masaska ah, laba-iyo-luqun-madooba-yaasha aan jabdhanka shiilan u ahay iyo sida la iigu soo halii-laayo, ilayn waxan ahay solay dhaylo ahe ( haddii aan ahay shicibka’e ):-
 

 Waxan halkan saaka idiinku soo gudbinayaa, Riwaayad ay metela-yaan faanaaniin cusubi, oo la yidhaaho " Qalbi gudhan miyaa qosol lagu godlaa"? hadaba waxa aan hal-hal idiinku soo ban-dhigi doonaa, xidigaha metelaaya ama inoo dhigi doona Riwaayadan aan sre ku Carrabaabay, kuwaas oo ah Inta Xididadda u saartay Somaliland iyo mid waliba wuxuu ku hadlay, oo uu magaciisu ku hor qoran yahay, ee ku soo dhawaadda:-

 

*Hargay-saay ama sii jeeso ama soo jeeso, anigaad khasab iigu mehersan tahay, go'aan-kaan gooyaana aan cidi ka daba  hadlayn, oo haysta Guurtiddii, sidaas waxa yidhi ( Saleebaan gaal).

*Laba-deena reerka yaw-weyn, oo ah waayeel ( Farmaajo).

*Haddii reer-ku kala dido, taloow yey u daran tahay( C/Rahmaan Cirro).

* Mar idage alle ha dago, laba jeer idaga-na, aniga hay dago, anigu intii aan bed-qabay garaama-hayggii ka qaataye, ee cirka haysku shareerto ( Siilaanyo ).

*Kaban-maayo nimaan aniga ahayni, oo waa anigaa ku jeeni-qaartay kiisha-diina barkaday ( waa Khasna-diiye), ee kulayl-ka la jiifa ( Sacad Cali shire).

*Ma dan baan ka lee-yahay ,hada haysku dareerto, mar hadaan ku hor kaajo keligay ( asakriga fuq cir u taag).

*Sidaa maysku qabnaa mise waa qasanaa ( Gaafaadhi).

* Beeni maxay tari bora-maan ka imee ( Saylici).

* Wado halaq in maray baa waabay ka leefayee warma-haaga afayso ( Axmed Muumin Seed),

*Dhaaxaan nin hana-qaad is biday, soo hogaan baraye, ee oday haka dhicin salaa-madda ( Wasiirka War-baahinta),

*Waxaw halis ah badaw hay-jad galay, inu halaa-baaye ( Cali Gurey),

*Faysalaw mid horaa i-damqay, oo dooda-haa ma galo ( Ramaax),

*Ninka duday distoor-kiyo sharciga diinti ka caroowye ( Maxamuud Xaashi),

*Shirka annaa Boorame geeyey, oo aan cidna wax iskaga tirinayn ( Ina Cabdi-dheere).

*Waraabe ciila haw qabin, calala haw tuurin, baynu ku shayqayn doonaa ( Golaah wasiiro ku sheega Somaliland)).

*Oo xagaan ku hadhaa heegadda haysku shareer-to, ee dab miyaan huriyo bal halkay isla gaadho (  Buurmadaw).

*Ma anigaa qadaya, qiiqa waan arkayaaye, qarqarka aan ka lusho, oo waa ciddii ka qax-waysa (  SSC)

*Qaxar baan dhigayaa, qayla-daydda dhegayso iyo qorsha-haan degayo ( Fadalka Booliiska).

*Ma cid bay iga horaysa, halgankii berriggii, halyey baan ka ahaaye ( Geenyo Shaaxiamn ).

* Dhalan-teed aan soco-naynin iyo ma dhegaysto war-kaase, ee kulmiyaw ka dhaqaaji ( C/Rahman Cirro).

* Waxan ahay nin doorkii, ma anigaa nin daba-gala, oo durbaan lay garaacaa? ( Jamaal Cali Xuseen),

*Hadaan qaw-lalka buuxsho, oon qurus-kayga ka qaato, ma cid bay qaba-naysa ( Ina Aw siciid),

*Wadaada-du beerka xaydha leh way cunaane, ilaahay maa ka yaab-taan oo na siisaan (  Baashe Moorgan).

*Inta nabadi joogtaa nin-ba laba nin leeg-yahay, ee naqa mayska daaq-daan ( Cabdi-waraabe).

*Mar hadaan ka gabayey, oon kadab-kaygi ka qaatay, maxaa iiga kidhiish ah ( Komishanka),

 

Akhriste-yaal halkaas bay ku dhamaatay Riwaayaddii la magac baxday "Qalbi gudhan miyaa qosol lagu godlaa"?
ee ay soo qaban-qaabiyeen Hoobaladda waaberi, koox-deeda loo yaqaan Xununal-qarqoosh.

N.B. Ma anigaa midiyo la qarshaa laygu qali-doono?
Qore :- bdi-shotaly.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...