Warsaxaafadeed : Ku Wajahan Golaha Guurtida Oo Ku Dhiirraday Gubista Buuggi Milgaha Dumarka Soomaliyeed Ee Wasiirka Guri Barwaaqo Ku Aflagaadeeyey.

0
Saturday February 02, 2019 - 08:19:20 in Articles by Super Admin
  • Visits: 1195
  • (Rating 1.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Warsaxaafadeed : Ku Wajahan Golaha Guurtida Oo Ku Dhiirraday Gubista Buuggi Milgaha Dumarka Soomaliyeed Ee Wasiirka Guri Barwaaqo Ku Aflagaadeeyey.

    Bismillaahi Arramanirraxeem. Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaahi Arramanirraxeem. Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh
Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan golaha guurtida oo ku dhiirraday gubista buuggi milgaha dumarka soomaliyeed ee wasiirka guri barwaaqo ku aflagaadeeyey.
Ceeb laga fogaado ayaa la arki jiray ee ceeb  la dhex fadhiisto waa laga xishoon jiray

U fiirso wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka isma galaan dhaqanka oo xil loo qaado iyo dhaqanxumo lagu kaco


Waxay ku hadhay golaha wakiillada oo bulshada reer Somaliland ka wakiil ah oo iyaga dacwaddo lagu horrasiiyey oo aan ka soo dhawaaq celin lana aamusay dadka xumi ma dhintaan

Shacabka reer Somalilan waa bulsho nadiif ah kana dhawrsoon xumaan kasta waa bulsho u adeegta dadkooda jilicsan waa dad aan loo gabban Karin ilaashada nabaddooda ay ku hurdaan cadawgooga meel uga soo wada jeeda aan oggolayn hoggaan eexda ama beelaha kala qaybiyo .

Talo soo jeedin.

  1. In  la soo deddejiyo doorashada labada gole ee deegaanka iyo golaha wakiillada ee muddo dhafay.
  2. Guddida doorashooyinka ee muranka dhaliyey la kala diro.
  3. In mujaahdiinta dalka xoreeyey ee dhiiggoda lagu seexdo gunno loo qoro.
  4. In shacabka si siman loogu cadddaalad sameeyo waa haddii allah laga baqaayo aan moodayn in ay dhimasho jirin,
  5. In ay wasaaradda beeruhu dalka si siman beeraha wax uga qabato.
  6. In dadka danyarta hoos loo eego waxaa dhici karta in ay suuraggal noqoto sarreeye hoosee.
  7. In la badiyo cabdsida lagana baqo allah ay nafaheennu gacantiisa ku jiraan ee aan laga baxasan Karin

Ha yaraysan qof aad isleeday wuu kaa liitaa.

Deeq cabdi digale
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...