Caqabaddaha Ku Furmi Doonna Ururka Macallimiinta Tacliinta Sarre Haddii La Assaaso

0
Thursday November 26, 2020 - 09:03:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caqabaddaha Ku Furmi Doonna Ururka Macallimiinta Tacliinta Sarre Haddii La Assaaso

    W/Q: Abdifataah M.Ahmed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Abdifataah M.Ahmed

Urur ay ku Middeysan yihiin Macallimiinta Tacliinta Sarre ee Somaliland,haddii uu saaxadda-Waxbarashadda Dalka ku soo biirro,Muxuu Dhibaato iyo Waxyeello kala kulmi karraa Maamulaadka iyo bahda waxbarashadda somaliland,mid La mid ahse Maxaa Faa,ido iyo waxtar ugu Jirta Ururr noocaasi oo kale ah Bahda Macallimiinta iyo Guud ahaan Dalkaba. waa Laba su,aalood oo ay tahay in laga Jawaabo ka hor inta aan gardaadintiisu iman Mar uun Nolosha ka mid ah kuna aadan wakhtiyada ina soo haya.



Dalal badan ayaa Ururada macallimiinta u heysta kuwa ugu dhibta badan,ururada rayidka ah ee jira,kuwaasi oo caqabad iyo waxyeello badan u leh siyaasadda waxbarashadda dalka dhan dhaqaale iyo mid qorsheba.kuwaasi oo lagu dhalliilo ururo illaaliya Macallimiin iyo barrayaal aan intooda badani laheyn shuruudaha saxda ah ee lagu ilaalin karo macallin.Marka la dhalliilaayo ururada shaqaale weynaha dal,kuwa ugu xun ee farta lagu fiiqaa waa ururrada macallimiinta.


Akhri 15 Qoddob 

1.       Ugu Horreyn Jaamacaddaha somaliland intooda badani Ma Oggola Ururr Awoodd leh oo u hano qaada barayaasha wax ka dhigga,Waxaaney isku dayi doonnaan in ay ka hortagaan urur Siddaasi oo kale ah iyaga oo arrimo sharcina dalliishanaaya.


2.       Xubnaha Assaasi doonna Ururrkaasi una Istaagi Doonna Waxa Culeys badani kaga furmayaa Dhanka Dawladda oo aan Taageerro  ku filan iyo xiiso weyn u qabin xilligani ururo noocaasi ah.Wuxuuna Noqon doonnaa wax lagu kala Aragti duwanaaddo iyaga oo la heli doonno shakhsiyaad soo dhaweeyana.


3.       Kaallinta Xubnaha Mustaqbalka Dhisi Doonna Ururrkaasi oo la arki doonno in heerka nafhurnimadooda iyo dedaalkoodu yar yahay,taasi oo sababi doonta in aan dhayal loo heli doonnin suurtogalnimada urur nadiif ah oo lagu kalsoonaan karro.


4.       Macallimiin Tacliinta Sarre oo is diiddo dhexddooda ka qarxi doonto marka aragtiyo badan oo sida mawjadda badda ah, oo is burinaaya ay ka dhex billaabmaan lana xidhiidha waxa koox kasta ka aaminsan tahay aassaasida urur noocaasi oo kale ah.


5.       Xubnaha isku Caleemo Saarri doonna Assaassayaa Urur Noocaasi oo kale Waxa lagu Arki Mustaqbalka ifaaflo ah in ay ururka uga faa,ideystaan una Darawaliyaan si ay iyaga dani ugu jirto,waxaaney ka dhiggan doonnaan salaan ay saaxadda-maamulka waxbarashadda ku gallaan iyaga oo bannaan kaga dhaqaaqi doonna himilladdii macallinka ee ay xambaarsanayeen.


6.       Hal urur oo Macallimiinta Tacliinta Sarre ah haddii hadda Dalka lagaga dhawaaqo,waxa isbeddelkaasi albaabada u furi Ururro kale oo waxbarashadda tacliinta sarre ah macallimiin kalena ku middeysan yihiin,Waayo Arrimo badan oo jira awgeed Dadkeenu isma indho buuxiyaan.


7.       Waxa Ururkaasi dhexdiisa haddii uu saaxadda yimmaaddo lagu waraabin doonta laguna dhex muquuran doonnaa Qabyaalad,Awoodd qeybsi,taasi oo burburka ururka soo dedejin doonta xadhkahana goostan doonta.


8.       Urur Tacliinta Sarre oo ay ku middeysan yihiin barrayaasha tacliinta sarre waxyaabaha la dhex dhigi doonno burburkiisana ka qeyb qaadan doonna waxa kow ka noqoneysa Dulqaad la,aan kaga iman doonta Fikradaha iyo aragtiyaha baahsan ee ku qarxeysa.


9.       Dhisida Heykalka Ururka iyo sameynta Awoodd qeybsiga Ergooyinka kala duwan ee ka socda caasimadda amma gobollada dalka ee ku bahoobaya Ururka Tacliinta sarre ee Macallimiinta Ayaa wakhti lumis badan horseed u noqonaaya.


10.     Haddii Waxqabadka iyo Horumarka laga rabo ururkaasi Macallimiintu ay  sugeysaa noqon waayo mid wax ka qabta baahiyaha heysta bahda waxbarashadda wuxuu noqon doonnaa mid xubnaha iska diiwaan-geliyaa ay kala baxaan maggaca iyo ujuurada bishii ay siiyaa,arrintaasi oo horseedi doonta dhaqaale burbur iyo fashil


11.     Haddii hal urur La siiyo Ruqsad ay ku metalaan Urur weynaha Macallimiinta Tacliinta sarre,Waxa soo bixi doonta Xubno kale oo Ururo kale ah oo aan ku qanacsaneyn Urur weynahaasi iyaguna xaq u leh in ay mid kale sameystaan.


12.     Macallimiinta Tacliinta sarre Ma noqon doonnaan kuwo isku aragti ka noqda meelo badan,waxaana ku dhex jiri doonna qabyaalad,danno kala duwan iyo khilaaf aan marna dameynin


13.     Dhismaha Xilalka iyoo Awoodd qeybsiga heykalka urur weynaha macallimiinta Tacliinta Sarre Waxa uu albaabada u furi doonnaa fashil iyo dooddo qarxiya xumaan badan oo addeega waxbaridu dhex fadhiyo.


14.     Maamulada Jira ee Waxbarashadda dalku waxa ay u xadhko xidhan doonnaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen xidhiidho noocaasi oo kale,dad ugu yeellan lahayeen,aragtidoodana uga dhex arki lahaayeen.


15.     Jaamacaddaha iyo xarumaha tacliinta sarre ee dalku waxey kor u qaadi doonnaan heerka la xisaabtanka baraha hadda ururka ka soo dhex halgamaya taasi oo halgan iyo dagaal cussub billaabi doonta.

 

W/Q: Abdifataah M.Ahmed

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...