Dooda Duur, Jawaabta Wasiir Kaahin, Hadalkii Warancade Iyo Aragtidii Madax Dhaqameedka Sanaag Bari Ee La Maamuusay+Sawiro

0
Friday April 26, 2019 - 23:28:34 in News by
  • Visits: 5401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dooda Duur, Jawaabta Wasiir Kaahin, Hadalkii Warancade Iyo Aragtidii Madax Dhaqameedka Sanaag Bari Ee La Maamuusay+Sawiro

    Dooda Duur, Jawaabta Wasiir Kaahin, Hadalkii Warancade Iyo Aragtidii Madax Dhaqameedka Sanaag Bari Ee La Maamuusay+Sawiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dooda Duur, Jawaabta Wasiir Kaahin, Hadalkii Warancade Iyo Aragtidii Madax Dhaqameedka Sanaag Bari Ee La Maamuusay+Sawiro


Hargeysa(HWN)-Munaasibad Qaddo sharaf ah oo Jimcihii Maanta Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa Loogu Sameeyay,Ergada Madaxdhaqameedka Sanaag/Bari ee indhawaale ku Sugnaa dalka Somaliland ayaa Waxa kasoo Qeyb galey Qeybo badan oo kamid ah Siyaasiyiinta Madaxda dhaqanka iyo haldoorka Somaliland.




Inkastoo Martiqaadka Sooryadda Qaddo Sharaftan lagu Suntey Beesha Garxajis,Waxa haddana ka muuqatey in Madaxdhameedka Sanaag/Barri dareen kooban ka bixiyeen Martiqaadka oo dhinaca kale lagu suntey Ganacsadaha Maxamed Baarjeex,iyo in Somaliland u dhan tahey iyaddoo loola jeeday Siyaasiyiinta iyo Madaxdhaqameedka lagu soo martiqaadey ee hadalada ka jeediyay.


"In intaa laga Soo horeeyay aheyd mar hore oo idinnka oo xoogan timaadaan,Annaga ayaad nagu Sii deyseen Beeshan Dhexe ee Somaliland oo Marba Maroodigaas ayaa Dhinac Noo Roganayey Waxaananu u Noqoney Madaxweyne oo Dhakadda ka Garaacney,Qoladayaddii Snmta aheyd Waxaanu nidhi Waagaas Madaxweynaha Noqdey Daahir Rayaale Waar Nin Nabadsugidii u ahaa Afweyne Sidee buu Inooku Taliyaa Taadayadii May Noqon ee Waanalaga naka batey,illaa haddana Madaxtooyada kama maqnin ee Waa fursad aad baneyseen ”Sidaa Waxa yidhi Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax.




 

"Ragg Cusub oo haddaan Kooyaa leh yeyna inteena yar inaka Daaddinin,Ragg aan ogeyn Wax lasoo mareyba ayaa ka hadlaya Saami iyo Waxaan loo Fadhiyin,hal arin oo had iyo jeer laga hadlo Maanatana hadalkeena kujirtey, Waxa kamid ah Somaliland Waa lawadda leeyahey,Somaliland Saami Qeybsigeedda Somaliland aadbaa loo hadalhayaa,Waxaynu inteenan oo dhami kawada warhaynaa Somaliland markii ay qaadatey, in ay Waxna Wadda Qeybsato,Waxna Wadda lahaato kana tashato 1991kii Markii Burco la isugu taggey taladdii Maalintaa la gaadhey,ayaa ta maanta taalla ee Nabedgalyadda iyo Nidaamkuba inta ay ku fadhido ah”Sidaana Waxa yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed hadalkan oofahankiisa loo badiyay in uu Salka ku hayo fariin Duurxul, ah oo uu Wasiirku Hawada u marinayay labada odey ee Pro.Cali Khaliif Galeydh, iyo Pro.Axmed Ismaaciil Samater inkastoo aaney marti sharafta Munaasibadda kasoo qeyb galey badankoodu fahmin nuxurka fariintaasi.



Waxa kale oo Wasiirka Arimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed Ka Jawaabey hadal uu madasha ka jeediyay Siyaasi Maxamed Nuur Caraalle (Duur),oo ku halqabsadey isaga Maxamed Kaahin Waxaanu Yidhi.


"Duurna Waakii yidhi Waa la idin Sugayaa Loogow Laguu minan fadhiyee,isaguna wuu iska reebay hadda anigu isagoo Wasiirka Daakhiliga ah oo aanan alif la laheyn oo isaga u shaqeynaya ayaanu Sanaagtaa isku Raacney,Maalintaa markuu hadlo anigu Maan laheyn Qolladan Sanaag Barri iyo Qolaladan Dhulbahante iyo,Waxa uu yidhaahdo ayuunbaan ku ayidaayay Mararkii kale Mar uu isaggu Dhab Libaax ku hurdiyay baa jirey oo Markaana Waxba umuu Kordhinin, Maanta qoladani Madaxweynuhuna Wuu Sheegay Barnaamij Wanaagsan,oo hufan,oo Dhameys tirran oo tifaftiran ayay la gurya tagayaan noqodkoodaa Waxa lagu Maalgalinayaa Barnaamij Mashaariic dhan Shan Boqqol oo kun oo Dollar”Ayuu yidhi Maxamed Kaahin Wasiirka Arimaha Guduhu.



Maxamed Nuur Caraale(duur),oo madashaa ka hadley ayaa isaguna ku dardaarey Xukuumadda in ay Xil iska saarto in Madaxdhaqameedku la guryo noqdaan, Wax la taaban karro Waxaana kamid ahaa hadalkiisii.


"Somalilandbaa maanta halkan wadda fadhida Waxeynu Xasuusineynaa Somaliland,iney mudan yihiin inaynu so dhaweyno Beelaha Barriga iyo Galbeedka ama darafyadda Waa muhiimad ay u leeyihiin Somaliland waayo haddii laga taggo iyaga laga tago intayada soo hadhey Qaran ma noqon kareyno,e Qoysbaan noqonaynaa Qaranimada Somaliland Saldhigeedu Waa beelaha darafyadda Maanatana Waxaan garanayaa Raggaa isa soo miidhey ee halkaa marayyaa in ay Muraad u socdaan Waxaan leeyahey cidda wax haysaa wax ha bixiso cidda wax tabaneysaana tabashadooda dib ha udhigtaan,Casuumadaha iyo Quruxda beelahaa Sanaag wey hadheysaa Hargeysa ayay ku hadheysaa waxa ay raacayaan waa waxa ay Gurigii kula noqdaan la odhan maayo iidoorkii Wuu idin Casuumey,ee Waxa la weydiinayaa maxaa idiin Soo noqdey Maxamed Kaahinaw,Annagu maanta dibbaanu u dhiganaynaa cabitankayagii iyo wixii aanu Gacan Libaax kasoo qorqorney ee Maanta odoyaashaa Wax ha raacaan”Ayuu yidhi Mudane Duur.



Waxa kale oo isaguna hadal buuq baddan abuurey Madasha ka jeediyay Cali Maxamed Warancade hadalkan oo ay si adag uga dareen celiyeen qaar kamid ah Madaxdhaqameedka Beesha Garxajis islamarkaana, ay si xoogan uga biyo diideen Madaxdhaqameedka Martida ah ee Beesha Warsangali Waxaana kamid ahaa hadalkiisa.


"Horta Sanaag marna Waxaa kusii Socda ergo Nabadeyn ah Marna Waxa kusii Socda Wafti Qarameyn ah,Waxaana la yidhaahdaa haddaanu Suldaanka Guud la socon in la Qaabilo ma aha,halkan waa lagu dhan yahey Somaliland oo dhan iyo Goboladeeda Waxeynu kuwada joognaa yididiilo Wanaagsan”Ayuu yidhi Siyaasi Cali Warancade.


Waxaana ka jawaabey hadalkan Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan, Waxaanu yidhi.

"Haddaan ka jawaabo hadalka Cali Warancade waxa ay lamid tahey, Haddii layidhaa Beesha Garxajis,oo Salaadiin kale iyo Madaxdhaqameedba leh Waxa Suldaan u ah Suldaanka Guud Suldaan Maxamed taas, ayey lamid tahey Beesha Warsangalina,Waxaan odhan lahaa inyar oo kaftan ah aan issa soo gaadhno isna Sugi maynno suuroobi maysee,Wadanka halla isa soo gaadhsiiyo,oo hala isla suggo”Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan.


Waxa kale oo isaguna halkaa ka jeediyay hadal aan Madasha Munaasib ku aheyn islamarkaana, ka cadheysiiyay Waftiga Madaxdhaqameedka Beesha Sanaag/Bari Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Somaliland Cabdirisaaq Cali Saalax Waxaana kamid ahaa hadaladiisii.


"Dadka ka yimid Sanaag/Barri Waa Dad ka yimid Dhulkii Somaliland dhulkaasina, maanta siduu u dhan yahey, Waa Somaliland ma aha dhul maanta cid kale innaka haysato, ama Ciidan kale joogo, ama Shacabkeeddu sito Calan kale Tootali majirro indhihiina ayaad kusoo arki kartaan”Ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladdu Cabdirisaaq Cali Saalax.


Waxa kale oo madasha ka Hadley Gudoomiye Kuxigeenka Golaha Wakiilada Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo sheegay in Madaxweynihii Geeriyoodey Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo sida uu hadalka u dhigey aqoon ulahaa dhaqanka iyo Beelaha Somaliland uu ku Tilmaamey Beesha Warsangali in ay tahey Beel Xurmadu deeqdo,Waxa kale oo madashaa hadalo ka jeediyay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir,Suldaan Maxamed Xirsi Qani,Suldaan Axmed Sheekh Maxamuud,Cali Cumar Guuleed,Xaaji Aadan-Baradho iyo Salaadiin kale oo Tira baddan oo dhamaantoodba hadalo soo dhaweyn ah u gudbiyay Martida.



Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

Hadhwanaagnews Email:[email protected]

Loading...
Loading...