Harar – Magaaladii U Dambaysay Ee Tagsiga Biijootka Buluugga Ah Adeegsata

0
Wednesday November 25, 2020 - 10:37:05 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1047
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Harar – Magaaladii U Dambaysay Ee Tagsiga Biijootka Buluugga Ah Adeegsata

    Dr. Jama Musse Jama waa Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dr. Jama Musse Jama waa Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa

Waxa laga yaabaa in Harar ay noqoto magaaladii ugu dambaysay ee u adeegsata Gaadiidka Dadwaynaha nooca gawaadhida Biijootka (Peugeot) midabkiisu cirka u eg yahay. Dalxiise kasta oo taga Harar waa uu dareemayaa arrinkan, inkasta oo Tigta saddex-lugoodda ahi (Bejaj ama Tug-Tug) ay farobaas ku hayso, suuqa na ka saarayso adeegsiga tagsigaa Biijootka ah.



 

Gawaadhida noocoodu yahay 404 iyo 504, soo na baxay badhtamihii qarnigii tagay, waxa culays wayni ka haystaa tagsiileyaasha Harar, waayo dhibtu waa in ay heli waayaan meel ay ka soo iibsadaan biraha ka jaba gawaadhidooda, sababtu na waa in warshadihii ka tanaasuleen soo saarista iyo suuqgeynta baabuurta noocan ah iyo beddelkooda.

 

Biijoot waa shirkad Faransiis ah ay qoys gaar ahi bilaabeen 1810kii, magaca Biijootna (Peugeot) waxa lahaa reerkaas. Shirkaddaasi waxa ay soo saari jirtey mishiinka bunka ridqa, saabka dallaayadaha iyo baaskiiladaha saddexda ama afarta lugood leh. Jean-Pierre PEUGEOT waxa uu dhashay 1734kii, wuxuu na ahaa aabbaha reerka iyo aasaasaha shirkadda.

 

Qoyska reer Jean-Pierre oo ku noolaa magaalada Sochaux (Faransiiska), walina ay ku taallo warshad wayn iyo duugaalreeb aad loo booqdaa, waxa ay iska soo dhaxlayeen ganacsigan, in ka badan 200 oo sannadood.

 

Calaamadda shirkaddani waxa ay is beddeshay 10 jeer muddodaas 200 ee sannadood ah oo ay shirkaddu ka baayacadmushtaraynaysay gawaadhida, haseyeeshee waxa mar kasta sal u ahaa sawir libaax ah, oo labada lugood ee dambe ku taagan.

 

Sawirrada wajiyada heesaa caan ahaa, fannaanno, filim-jileyaal iyo dadkale oo la yaqaannay 1950eeyada, kolkii gawaadhidana suuqa xaamiga ah ku lahaayeen Yurub iyo dunida kale, ayaad wali ku sii arkaysaa Faras Magaalaha Harar iyaga ku dhegsan dheegga gawaadhida.

 

Gaar ahaan sawirka gabayaagii Arthur Rimboud, ee degganaa Harar, guriga caanka ah na ka dhistey, ayaa tagaasida midkood sawirkiisu ku dheggan yahay.

 

Booqashadeydii Harar: Xaruntii xadaaradda Islaamka ee Bariga Afrika

Waxa aan wacaal waydiiyey in dadku ay garanayaan sawirradaas, waxana aan ogaaday in dadku ka haystaan aragtiyo kala duwan. Wajiga qofka ku sawiran gawaadhidu waa caan oo cid kastaa way garanaysaa, waxana ay u garanayaan in uu yahay sawirkii ku dhegganaa tagaasida, haseyeeshee qofka sawirani cidda uu yahay dadku ma wada garanayaan.

 

Magaalada Harar, kirada tagaasida waa la wada guulaa, waxana ay leeyihiin bar bilow iyo bar dhammaad ay ku eeg yihiin, sida basaska oo kale. Haseyeeshee inta magaalada dayran dhexdeeda qofkii kali u kiraysanaya tagaasida, waa uu yeeli karaa, waa se in uu marka hore kula heshiiyo qiime go’an, waqtiga uu filayo in uu la maqnaanayo, iyo inta goobood ee uu tagayo.


Tagsiileyaasha Harar way ku hanwayn yihiin sii wadashada gawaadhidan oo calaamad u noqdey magaalada Harar qarnigii u dambeeyey, Hararna waxa ay taariikhda ku gelidoontaa magaaladii ugu dambaysay ee tagsiga Biijootka ah adeegsata.

 

Dr. Jama Musse Jama waa Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waa na xisaabyahan PhD ku haysta Cilmibaadhista Afrika, gaar ahaan Aqoonta Tiknoolajiyadda Cusub iyo u Adeegsigeeda Afafka.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...