Arbaa Noo Dhashaan Oroba Ku Idhe, Soo Kaa La Ambaday Aleenkii Nabada.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM[A.S.C.W.R.W.B].
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
1-IYAGUUN GUDAHOODA,MOOYAANE,
AFRIKA UMADAN,ADOONSIGA ARAG,
ABIYEGI DUNIDII AMAANKA BIDAYE,
AROOSKII NABADA LOO AGAASIMAY.
2-ARRINBA SEEGTAY,ODAYGII ITOOPIA,
ARLIGOON GUBAN,UNKU NABADYIIN,
AAYARBU QABANLA,KOWII ANBADEE,
AXMAARO IYO OROMA,ADEEGSADAY.
3-AQOONIYO GARASHO AAD U FOG BAY,
ADUUNKANI ABBEYEE,KA EEGAAYAYE,
AYAABA ISLAHAA TANI WAY IMANOO,
ALBAABKU KA XIDHAN,ADUUNYADAN.
4-HADDANU ISIR AHAYN,LABADA ADAG,
AMUURUHU SIDAN,MAY AHAADEENO,
AFRIKAANKA CIDUUNBU,AQBALILAYO,
IDILKOODBA EGERMUU YIDHAHDEENE.
5-ARBAA NOO DHASHAN,OROBA KU IDHO,
ITAALKA GEESKANAAN,U EEGANAYOON,
HA OODAAN LAHAA,IRIDAHAN FURANE,
SOOKAA LA AMBADAY,ALEEKII NABADA.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!