Cilmi-Baadhid: Ma Ogtahay In Sigaarka Lagu Daro Marka La Samaynaayo Walaxda La Yidhaahdo Ammoniak...

0
Wednesday November 25, 2020 - 10:01:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1012
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cilmi-Baadhid: Ma Ogtahay In Sigaarka Lagu Daro Marka La Samaynaayo Walaxda La Yidhaahdo Ammoniak...

    Taas Oo Keenta In Qofku Sigaarka Qabatimo Oo Uu Joojin Kari Waayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taas Oo Keenta In Qofku Sigaarka Qabatimo Oo Uu Joojin Kari Waayo.

Denmark (Copenhagen): Ka hortago waxa uu ka fiican yahay Is-daweynta, Waa murti ama weedh ku baahday Isticmaalkeedu dhinaca Caafimaadka. Waxa Dunidan aan ku noolahay ku soo batay Xanuunada jiitama ee loo caalwaayey, Sida Canser-ka, Macaan-ka, xanuunada sigaarku sanbabada ku reebo, wadno xanuun-ka iyo Tufta. sidaas awgeed waxa fiican in qof kastaa wax ka ogaado wax yaalaha laga qoro caafimaad-ka.



Inline image

Sherkeda la yidhaahdo Skandinavisk Tobakskompagni iyo sherkedo kale oo reer galbeed ah oo sheegay in ay ku daraan sigaarka walax dadka jeclaysiisa cabitaanka sigaarka ama keenta in uu qofku qabatimo sigaarka.


Sherkeda sigaarka samaysa ee la yidhaahdo Skandinavisk Tobakskompagni ayaa hadda qiratay in ay sigaarka ku darto walaxda ”ammoniak” oo sahasha in nikotinka sigaarka ku jiraa uu si deg-deg ah jidhka ugu faafo, taas oo keenta in qofka sigaarka cabaa ay ku adkaato in uu sigaarka joojiyo. Sherkedani waxa ay intii hadda ka horraysay ku doodaysay in aanay sigaarka ku darin wax xidhiidh la leh walaxda ammoniak, hase yeeshee maareeyaha sherkeda ayaa hadda qiray in walaxdaas sigaarka lagu daro.


Waxaa hadda sherkadaas Skandinavisk Tobakskompagni lagu soo oogi doonaa dacwad la xidhiidha walxdan ay sigaarka ku darto ee dadka sigaarka jeclaysiinaysa, waxaana dacwadan ku soo oogaya nin maalintii 40 xabbo oo sigaar ah cabba oo u dhashay dalka Denmark.


 Inline image

By: Osman Abdillahi Sool....Freelance Journalist.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...