"Abiy Ahmed Waa uu ku qasbanaa Inuu Ciqaabo Kuwa Doonaya Inay Kala Jabiyaan Itoobiya"..Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

0
Tuesday November 24, 2020 - 19:09:40 in News by
  • Visits: 2947
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Abiy Ahmed Waa uu ku qasbanaa Inuu Ciqaabo Kuwa Doonaya Inay Kala Jabiyaan Itoobiya"..Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

    "Abiy Ahmed Waa uu ku qasbanaa Inuu Ciqaabo Kuwa Doonaya Inay Kala Jabiyaan Itoobiya"..Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Abiy Ahmed Waa uu ku qasbanaa Inuu Ciqaabo Kuwa Doonaya Inay Kala Jabiyaan Itoobiya"..Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Addi Ababa(HWN):-Dagaalka dhimashada badan sababay ee u dhaxeeya dawlada federaalka ah ee Itoobiya iyo maamulka gobolka Tigrey ayaa maraya halkii ugu darnayd iyada oo raysal wasaare Abiy Ahmed uu 72 saacadood u qabtay inay isku soo dhiibaan maamulkii Tigrey.

Sidoo kale waxa isa soo taraya baaqyada caalamiga ah ee lagu dalbanayo in la joojiyo dagaalka, halka ay sii kordhayaan wadamada deriska la ah Itoobiya ee taageerada u sii muujinaya mawqifka uu raysal wasaaraha Abiy Ahmed ka taagan yahay dagaalka uu ku qaaday Tigrey.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo mudadii shacabku doorteen ay uga hadhsan tahay wakhti ka yar shan bilood ayaa si weyn u taageeray dagaalka uu raysal wasaaraha Itoobiya ku qaaday gobolka Tigrey ee waqooyiga dalkaasi.

Wargeyska The African Report ayaa warbixin uu maanta daabacay ku sheegay in madaxweynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu si weyn u taageeray dagaalka dawlada federaalka Itoobiya ku qaaday maamulka gobolka Tigrey ee waqooyiga dalkaasi.

"Raysal Wasaare Abiy Ahmed waa uu ku qasbanaa inuu ciqaabo kuwa doonaya inay kala jabiyaan Itoobiya” ayuu yidhi madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Halkan Guji Si Aad U Akhrisato Warbixintaaa African Report

djibouti President

Loading...
Loading...