Somaliland: Digniino Laga Soo Saaray Hadii Uu Dab Ka Dhasho Duufaanada Laga Cabsi Qabo

0
Tuesday November 24, 2020 - 18:11:34 in News by
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Digniino Laga Soo Saaray Hadii Uu Dab Ka Dhasho Duufaanada Laga Cabsi Qabo

    Somaliland: Digniino Laga Soo Saaray Hadii Uu Dab Ka Dhasho Duufaanada Laga Cabsi Qabo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland: Digniino Laga Soo Saaray Hadii Uu Dab Ka Dhasho Duufaanada Laga Cabsi Qabo


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa hore uga digtay duufaano xoogan oo ku soo wajahan magaalooyinka somaliland.


cabsida laga qabo khasaare ka dhasha duufaanta ayaa laga sii bixinayaa digniino loo jeedinayo shacabka si ay u suuragasho in mar kasta loo yareeyo khasaare ka dhasha duufaanada.



Masuuliyiinta Shirkadda Laydhka Ee Sompower oo ay wehelinayaan Saraakiil ka socda Ciidanka Dabdamiska ayaa ka digay hadii ay dhacaan Robab xoogan oo ku soo fool leh Goboladda Somaliland qaarkood inay si wayn uga Taxadiraan Laydhka iyo dhibaatadiisa .


masuuliyiin u hadlay ciidamada dab demiska ayaa sheegay inay diyaar u yihiin gargaar deg deg ah oo ay ka gaysteen hadii duufaanadu ay sababaan khasaare dhinaca korontada la xidhiidha iyaga oo shacabkana u soo bandhigay lambarada ay kala soo xidhiidhi karaan.


sidoo kale shirkada Sompower ayaa sheegtay inay diyaar u tahay in ciidanka dab demiska ay kala shaqayso sidii looga hortagi lahaa khasaare ay duufaanadu sababaan oo ka dhasha korontada, iyaga oo shacabkana uga digay duufaanada saadaasha cimiladu sheegayso inay ku soo wajahan yihiin somaliland

Image may contain: 8 people, people standing and indoor

Loading...
Loading...