"Hawiye Cagabaruur Yar Ayaa Kaga Qaad Siiyee, Hadaanu U Soo Dirno....."Siyaasi Cali Guray
Hargeysa(HWN):-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf(Cali Guray) ayaa ka hadlay muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya mucaaridka Soomaaliya iyo muxaafidka uu ugu horeeyo raysal wasaare ku xigeen Mahdi Maxamed Guuleed.
siyaasi Cali Guray ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu kaga hadlay muranka xoogan ee u dhaxeeya siyaasiyiinta ka soo jeeda Muqdisho iyo raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, waxaanu qoraalkiisa ku yidhi :-
"Mahdi dafirimayno eh waa wiil Isaaq ah oo Ismaaciil ah oo Daauud ah. Hawiye cagabaruur yar baa qaaq kaga siiyaye hadaanu kuwii shaashka lahaa u dirno maxay samayn lahaayeen? Waar adkaysta oo wax iska celiya siyaasad baa la isku hayaaye. Ama gacanta taaga oo dheha Somaliland waanu aqoonsan nahay oo laba dal baanu kala nahay annaga ayaa idinka soo kaxaysane"
![]() |


0 






