Guddiga Doorashooyinka Oo Shaqaalihii Diiwaan-gelinta U Kala Diray Gobollada Awdal Iyo Salel

0
Tuesday November 24, 2020 - 17:35:08 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1112
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Doorashooyinka Oo Shaqaalihii Diiwaan-gelinta U Kala Diray Gobollada Awdal Iyo Salel

    Guddiga Doorashooyinka Oo Shaqaalihii Diiwaan-gelinta U Kala Diray Gobollada Awdal Iyo Salel

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Doorashooyinka Oo Shaqaalihii Diiwaan-gelinta U Kala Diray Gobollada Awdal Iyo Salel

Hargeisa(HWN):-Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta kala diray gaadiidka iyo shaqaalaha ka hawlgeli doona diwaangelinta codbixiyeyaasha ee degmooyinka hoosyimaada gobolladda Awdal iyo Salel.
Gudidda Doorashooyinka Somaliland


Guddoomiye ku xigeenka guddida doorashooyinka Somaliland Mustafe Maxamed Daahir, oo goobjoog ka ahaa kala dirida gaadiidka iyo shaqaalaha ayaa hawl-wadeenada kula dardaarmay in mudada ay hawshu socoto ay dadka ugu shaqeeyaan si hufan, isaga oo sheegay dadkii hore isu-diiwaan-geliyay ee aan qaadan Kaadhka codbixinta iyo dadkii qaatay ee uu ka lumay ay mar la qaadan doonaan dadka imika la diiwaangelinayo.

Madaxa tababarada guddida doorashooyinka qaranka oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shaqaalaha ka hawlgelidoona diwaangelinta codbixiyeyaasha ee gobolladda Awdal iyo Salel qaar kood hore loo tababbaray halka qaybtii u danbeysay oo ah xoghayeyaashii goobaha uu tababbarku uga socdo Jaamacadda Camuud.

Cabdinaasir Daahir Cige, iyo Pro, Diiriye oo ka mida masuuliyiinta Jaamacadda Camuud iyo Cabdifataax Ibraahin Xasan, oo ka socday guddida doorashooyinka ayaa la dardaarmay hawlwadeenada uu tababbarku u socday, iyaga oo u tilmaamay caqabada ka hor iman doona ee u baahan in ay ka diyaar garoobaan.

Loading...
Loading...