Wasiirka Amniga Oo Fariin Udiray Mucaaradka Somaliya

0
Tuesday November 24, 2020 - 15:22:19 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1398
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga Oo Fariin Udiray Mucaaradka Somaliya

    "amniga waa naga weyn yahay, waa naga horeeyay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"amniga waa naga weyn yahay, waa naga horeeyay"

Muqdisho (HWN) Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubeey ayaa digniin u diray mas’uuliyiinta musharaxiinta madaxweynaha, kuwa raadinaya xildhibaanimada iyo cid kasta oo ku lug leh doorashada.

 

Wasiirka ayaa sheegay in  tareenka dowladnimada saaran yihiin inay qabanayaan wax wanaagsan oo amniga iyo nidaamka dowladnimada wanaajinaayo.

 

"Waxaan baaq u dirayaa mas’uul kasta oo wadanka jooga oo mas’uuliyad raadinaaya, hadey ahaan laheyd xildhibaanimo, ama madaxtinimo, amniga waa naga weyn yahay, waa naga horeeyay, waa naga danbeyn doonaa, bulshada Soomaaliyeed ayaa iska leh, qof gaar ah ma leh, inaan wada ilaalino, iyagana waa og yihiin, anagana waan ognahay, waa ku baraarujinayaa, waana ka codsanayaa, amniga ayaa naga wada weyn, baaqaasi ayaa dirayaa, mucaarad iyo muxaafid waa u siman yihiin amniga,” ayuu yiri Wasiir Xundubeey

 

Fariintaan wasiirka amniga ayaa kusoo beegmaysa xili magaalada Muqdisho uu ka socdo shirweyne ballaaran oo ay leeyihiinkooxaha mucaaradka ee murashaxiinta xilka madaxweynaha , kuwaasi oo dhaliilo u jeediyay nidaamka doorasho ee dowladda dooneyso in ay u dhacdo doorashada, kana digeen qalalaaso in dalku uu galo haddii aan wax laga badelin nidaamka dowladda qorsheysay.


Loading...
Loading...