Dhacdooyinka ku Duugan Kala Saarista Beelaha ee Musharaxiinta Deegaanka iyo Wakiillada.
=
Kaalinta musharaxa Lacagta haysta: musharaxani kan ugu awoodda badan marka la
eego ololeyaasha ka dhex socda beelaha. Wuxuu gacanta ku dhigay inta caanka ku
ah ololeyaasha doorashada ee beelaha sida afmiishaariintii, muqayiliyiintii,
balwaawi dumar, aqoonyahankii hayntiisu yarayd iyo odayaashii mafrishyada
reeraha uga talin jiray. Wuxuu bixiyaan biil joogto ah, oo uu siiyo qof kasta
oo beesha ka mid ah oo uu u arko inuu kaalin ka qaadan karo musharaxnimadiisa. Markay
beeshu shirka isugu timaado si ay u kala saarto musharaxiinta farabadan ee
reerka ka sharraxan, nin kasta oo goobta fadhiyaa way ku adkaataa inuu yidhaa
hebel oo lacag siiyey ha reebo. Musharaxani wuxuu haystaa fikir olole oo hore
loo soo tijaabiyey. Kaasi oo ahaa in musharaxiin badan oo lacag haysta ay
lacagtoodii la tageen goobaha ay degan yihiin dadka barakacayaash ah ama
danyarta ah, oo ay qof kasta siiyeen lacag dhan $200, ka dibna ay kitaab
qur’aan ah ku dhaariyeen inuu maalinta doorashada u codeyn doono. Qof kastaa oo
goobtan degani waa caydh baahan oo maalin la-nool ah, way iska qaateen oo
dhaarteen sidiina way ku codeeyeen. Musharaxii codod farabadan oo weligii ku
riyoon ayuu ku soo baxay.
=
Kaalinta musharaxa xilka haya ee xoolaha ummadda adeegsanaya: musharaxani waa
kan ugu saameynta badan ee beelaha kala furfura. Wuxuu xariif ku yahay sida
lacagta ummadda loogu adeegsado in isaga mar labaad musharax ay beeshu u
doorato. Maaha oo keliya lacag wuxuu faraqayaa, waxa weheliya dhulkii danta
guud oo uu odayaasha iyo inta dhul doonka ah uu mid kasta baloodh ama waxa ka
badan siiyo, isaga oo maca sharcigii u raacinaaya. Dhawaan waxa dhacday in nin
musharax ah, sidoo kalena ka tirsan golaha deegaanka dalka, uu ka qaybgalay
shir ay beeshiisu ku kala saaraysay musharaxiinta beesha. Ninkani wuxuu haystaa
khibradii uu markii hore ku soo baxay, oo wuxuu hore u hantiyey odayaashii
beesha u talinayey iyo aqoonyahankii baahnaa oo uu lacag farabadan ku
rusheeyey. Markii shirkii ay soo wada fadhiisteen musharaxiintii kale iyo
isagii meesha sii banaystay. Cod ayaa loo qaaday musharaxiintii, mise ninkii
xilka hayey ayaa dhammaan loo codeeyey. Goobta muuqaallo ayaa laga duubayaa oo
uu wato ninkan xilka hayaa. Musharaxiintii halkii ayey albaabka boobeen oo ay
diideen codeyntii lagu soo shubtay odayaasha iyo aqoonyahanka baahan. Markii
dembe oday kasta intuu ninkii xilka hayey lacag siiyey ayuu ku yidhi kol haddii
ay beeshu aniga isku raacday in musharax noqdo, ordoo nin kastow wiilka aad
adeerka u tahay ee reerka diidan soo xidh. Weli qaskaasi wuu taagan yahay
beello badan dhexdooda.
=
Kaalinta Qurbo jooga sharraxan: musharaxani wax badan kama fahansana sida hoose
ee beelaha looga ololeeyo iyo munaafaqadaha hoose ee qofka lagu liido (Faji). Waxa ku xeeran kooxo u badan ardayda
jaamacaddaha iyo dadka aan qayilin. Waxa ay wataan fikir musharaxnimo oo aad
ugu dhaw kan dalalka ay ka yimaadeen oo kale ah. Markay goobaha beeshu isugu
timaado ee arrinta musharaxiinta lagaga tashanayo yimaada ee hadalka la siiyo,
waxaad la yaabaysay sida aanay ulaba haysan waaqaca iyo xaalada taagan.
Hadalkooda waxa ay ku bilaabayaan in beeshu ay mab’da wax ku doorato, oo la
iska iloobo shilimo qof laaluusho loo siiyo si ugu codeeyo musharax beesha ah.
Doodaasina waxa ay taalla dalalka ka horumaray dhinaca laaluush qaadashada ee
fikirka qofka iyo ballanqaadiisa wax ku doorta. Gabadh musharaxad ah ayaa
dhawaan goob beesheedu shir ku lahayd ka dhex-tidhi " anigu waxa aan soo darsay
qaabkii olole ee Joe Baydhan”. Horta qaarkood waaqicinimada halkaasi ayey ka
taagan yihiin. Markay intaasi yidhaahaan sacab badan ayaa u dhaca, waa se sacab
munaafaqadaysan oo qalbiga kala jira kolba ka lacag haysta. Waa tii hore loo
yidhi” Af wax cunay xishoo”. Qaarkood waxa ay weli fahmi la’yihiin in dadkan ay
isugu darsantay baahi balwadeed (Jaad) iyo mid nololeed, oo kolba kay maalintii
wax ka helayaan ay dhinaciisa raacayaan.
=
Kaalinta musharaxa xayraanka ah: Kani waa kan ugu liita marka la eego kooxaha
hore. Waayo wuxuu dhaqaale uu ku ololeeyo ka sugayaa beeshu inay u soo ururiso,
taasina way adag tahay in dhaqaale buuran uu ka helo xubnaha beesha ee
hayntoodu buuran tahay. Haddii uu la sharaxan yahay kuwaa sare gelin hore ayaa
afka ciidda loo darayaa oo dhaqaale lagu muquuninayaa.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan,
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!