'' Abidkii Rag Waa Go'i Jiree , Tanise Waa Gow ''.

0
Tuesday November 24, 2020 - 09:28:46 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1471
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Abidkii Rag Waa Go'i Jiree , Tanise Waa Gow ''.

    Waxaa maanta ku geeriyooday magaaladda Hargaysa Dr Siciid Sheekh Maxamed Cabdale,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta ku geeriyooday magaaladda Hargaysa Dr Siciid Sheekh Maxamed Cabdale,

 Inaalilaah wa inaa ilayhi raajucuun .



Dr Siciid Sheekh Maxamed wuxuu ahaa , Adeerkay , Abtigey , Macalinkaygii iyo Saaxiibkay , waxaanu ahyn  muddo ka badan 10 sanadood rafiiq waxaanan ka faaidaystay aqoon iyo khibrad aanay suurto gal ahayn in meel kale lagga helaa .


Dr Siciid sheekh maxamed wuxuu ka baxay Dugsiga sarre ee Farsamada gacanta Burco 1968 , ka dibna wuxuu tacliinta sarre ku qaatay wadanka Faransiiska , isagoo shahaadada sarre ee Phd ku diyaariyay Cilmiga dhaqaalaha .


Dr siciid wuxuu ka mid ahaa , Aasaasayaashii ururkii SNM , waxaanu ka qayb galay shirwaynihii lagaga dhawaaqay snm 06-April 1981 , ka dibna wuxuu noqday Gudoomiyihii ururkii snm ee wadanka Imaaraadka Carabta .


Dr Siciid oo u shaqaynayay Dawladda Imaaraadka Carabta , Jaamacadiisa Degree ilaa Phd ay ka bixisay dawladda Imaaraadku , waxaa lagga mustaafuriiyay wadanka Imaaraadka 1986 , ka dib markii dawladii Soomaaliya codsatay in loo dhiibo , isaga iyo 6 nin oo kale , saaxiibnimada u dhaxaysay isagga iyo imaaraadka ayaana sabab u noqotay in loo ogolaaddo in uu wadan sadaxaad u baxo , ilaa maantana waxaa diiwaanka imaaraadka ugu qoraa musaafir abadiya .


Dr Siciid wuuxu qaxoonti ku noqday wadanka kenya , waxaanu uga gudbay wadanka Canadda 1987 , halkaas oo uu ka aasaasay mar kale xafiiska Snm ee Canadda .


Dr Siciid wuxuu ka mid ahaa aqoon yahanadii qalinka kula dagaalamay Taliskii M S Barre , waxaanu maqaalo badan ku qoray wargaysyo badan , waxaanu ahaa nin mar walba warbaahinta caalamiga ahi ka waraysto waayihii ka jirey waagaa dalkii Soomaaliya , in badana wuxuu abaabulay mudaharaadyo waawayn .


Dhinaca kale , Dr wuxuu ahaa khabiir ku xeel-dheer cilmigga dhaqaalaha , waxaanu u shaqeeyey Wadanka Qatar , Qaramadda midoobay , waxaanu ka mid ahaa khubaradii ka qayb gashay dib u dhiska Haayadaha Wadanka Ruwanda ka dib burburkii wadankaas .


Dr Siciid oo ahaa , caalim Diinta Islaamka aqoon badan u leh , ehlu cibaado ah ,  waddani Somaliland jecel oo ay lafta iyo dhigga kaga jirto maanta ayuu u guurey gurigiisii xaqa ahaa , guud ahaan shacabka Somaliland , reer sheekh maxamed cabdale iyo ubadkiisii samir iyo iimaan ,Inaalilaah wa inaa ilayhi raajucuun .


W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...