Biden Oo Ku Dhawaaqay Xubno Maamulkiisa Cusub Ka Howl-galaya

0
Tuesday November 24, 2020 - 08:52:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1856
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biden Oo Ku Dhawaaqay Xubno Maamulkiisa Cusub Ka Howl-galaya

    "Jake Sullivan, ayaa loo magacaabay in uu noqdo taliyaha ammaanka qaranka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Jake Sullivan, ayaa loo magacaabay in uu noqdo taliyaha ammaanka qaranka"

Madaxweynaha la doortey ee Mareykanka Joe Biden ayaa Antony Blinken u magacaabay in uu noqdo xog-hayaha arrimaha dibadda ee maamulkiisa cusub, iyadoo uu isku dayayo in uu boorka ka jafo xiriirkii isbaheysigii dibadda ee Mareykanka, kaas oo uu dhabarka jeediyay madaxweyne Trump.

 

Anthony Blinken ayaa ka mid ahaa saaxiibbada Joe Biden aad ugu dhow ee kala talin jirey arrimaha siyaasadda dibadda.

 

Blinken oo ah 58 sano jir rug caddaa arrimaha siyaasadda dibadda ka soo shaqeynayay muddo labaatan sano ah, ayaa ku raacay Biden baahida loo qabo in mar kale Mareykanku uu hoggaamiyo doorka siyaasadda arrimaha dibadda, taas oo is baddal ku keeneysa hab dhaqankii siyaasadda madaxweyne Trump ee ku dhisneyd Mareykanka ayaa koowaad ah, iyadoo gallaafatay isbaheysigii muddadaa dheeraa Mareykanka ee Galbeedka.

 

Waxa magacaabista Blinken oo ay tahay inay senate-ka meel mariyaan sii dheer, in Biden uu magacaabay, sida ay warbaahinta u sheegeen kooxdiisa ka shaqeyneysa waqtiga kala guurka, laba sarkaal oo kale.

 

Jake Sullivan, ayaa loo magacaabay in uu noqdo taliyaha ammaanka qaranka, halka Linda Thomas-Greenfield loo xushey inay noqoto danjiraha Mareykanka ee Q.M.



VOA

Loading...
Loading...