"Annagu Kiniisad maanu tagin, Diintana kamaanu Bixin, Xabaalo Ingiriisna...."Ambassador Baashe Cawil

0
Monday November 23, 2020 - 18:36:13 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Annagu Kiniisad maanu tagin, Diintana kamaanu Bixin, Xabaalo Ingiriisna...."Ambassador Baashe Cawil

    "Annagu Kiniisad maanu tagin, Xabaalo Ingiriisna maanu tagin, Diintanna Kamaanu Bixin! Ambassador Baashe Cawil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Annagu Kiniisad maanu tagin, Xabaalo Ingiriisna maanu tagin, Diintanna Kamaanu Bixin! Ambassador Baashe Cawil

Hargeisa(HWN):-Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Ambassador Baashe Cawil ayaa ka hadlay Xus toddobaadkii hore magaalada Hargeisa loogu sameeyay Ciiddankii Ingiriiska ee dagaalkii labaad ee adduunka ku dhintay, waxaannu inay dadkaas dhintay ku jireen kuwo reer Somaliland oo ay iyaga laftoodda meeshaas uga duceeyeen.
Ambassador Baashe oo Been


Ambassador Baashe Cawil waxa sheegay in arrintaas si qaldan loo dhigay, isla markaanna dad Diinta ku hoos gabanayaa ay ka faa'iiddaysteen dhaliilo aanay waxba ka jirin, waxaannu shacabka reer Somaliland u soo jeeddiyay in meel looga soo wada jeesto dadka sida xun wax u faafinnaaya.

"Maalmahan-ba waan arkaayay Warbaahinta oo sawir xun ka bixinaysa oo si aan hagaagsanayn u faafinaysa. Annagu Kaniisad kamaanu qayb-gelin, Xabbaalo Ingiriisna maanu tagin ee meesha aanu tagnay waa Hargeisa oo cidna looga sheekayn maayo, waxaanna fiican inta la iska daayo waxyaabahan Facebook-ga laga leeyahay innuu horta meesha soo eeggo oo soo akhriyo waxa ku qoran iyo dadka ku aasan. Anigu meesha aanu tagnay waxa ku aasan dadkii ka qayb-galay dagaalkii labaad ee adduunka, dadka meesha ku aasanina maaha ingiriis kaliya, sanadkastanna bisha November waxa loo sameeyaa xus, dadka meesha ku jiraanna waxa ka mida dad soomaaliyeed, waxa ka midda dad reer Somaliland ah, waxaanna meesha laga sheegay in looga duceeyo dadkii reer Somaliland ee ku dhintay oo muuqaalladii baanu haynaa.

Annagu Diinta kamaanu bixin, Culimaddana waannu ogol nahay wixii wax sheegmo iyo toosin ah markasta, laakiin dadka la dhaliilaaya ee Diinta ku soo gabannaaya waxaan leeyahay haddaad dhaliil siyaasiya noo jeeddinayso soo bax oo soo istaag, laakiin meesha aanu tagnay iyo waxa la qabtay-ba wax cad bay ahayd oo ah in aannu u ducayno dadkii Muslimiinta ahaa ee dagaalladii kala danbeeyay ku dhintay, qolada kalenna diintoodda ayay ugu ducaynayeen dadkii meesha kaga jirey.

Waxaan leeyahay dadka xun ee war-xumo tashiilka ah ee Tv-yadda ka hadla waxaan leeyahay waa in meel looga soo wada jeedsaddaa, aniguse markasta waannu soo dhawaynaynaa wixii tusaalayn ah ama toosin ah, haddii khalad naga dhacayna waannu khaldami karnaa oo Bini'aadam baannu nahay." Ayuu yidhi Ambassador Baashe Cawil oo waraysi gaara siiyay telefishanka Bulsho TV.


Loading...
Loading...