Ergayga Midawga Yurub Uqaabilsan Somaliya Oo Ammanay Shirkada Dahabshiil

0
Monday November 23, 2020 - 17:59:26 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1091
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ergayga Midawga Yurub Uqaabilsan Somaliya Oo Ammanay Shirkada Dahabshiil

    "Sharaf ayey ii ahayd inaan ku soo dhoweeyo Danjire Nicolas Berlanga maanta Xarunta Dahabshiil ee Hagaysa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sharaf ayey ii ahayd inaan ku soo dhoweeyo Danjire Nicolas Berlanga maanta Xarunta Dahabshiil ee Hagaysa"

Hargaysa (HWN) Ergayga midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa maanta booqasho ku tagay xarunta Dahabshiil ee Hargeysa, sida uu ku qoray barta uu ku leeyahay Twitter-ka.




Waxaanu ergaygu ammaanay garab istaaga ay shirkada Dahabshiil lagarab taagan tahay guud ahaanba shacabka Somalida, oo ay kala qayb qaadato hadba hawsha markaasi socota.


Ergayga Uqaabilsan Midawga Yurub Somaliya  ayaa ku ammaanay shirkadda Dahabshiil gacanta farsamo ee ay ka gaysanayso qabsoomida Doorashada Baarlamaanka.


Sidoo kale waxa uu sheegay in ganacsiga gaar loo leeyahay yahay Mashiinka horumarka iyo taageerida Dimiqraadiyada.


Shirkada dahabshiil ayaa dhibaatooyinka kala duwan ee soo wajaha shacabka Somalida gacan wayn ka gaysata, waxaana  kamid ahaa deeqdii waynayd ee ay lagarab isaagtay shacabka markii uu  dalka ku dhuftay caabuqa Covid-19 oo saamayn dhaqaale oo baahsan ku yeeshay dadka Somaliyeed.


Guddoomiyaha Guud ee Dahabshiil Group, Cabdirashiid Maxamed Siciid oo ka hadlay booqashada Ergayga Yurub uqaabilsan Somaliya uu ku tagay xarunta Dahabshiil ee Hargaysa ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo Nicolas Berlanga iyo guud ahaanba midawga Yurub.


Waxaanu qoraal uu Cabdirashiid Maxamed Siciid ku qoray Twitterka ku yidhi sidan "Sharaf ayey ii ahayd inaan ku soo dhoweeyo Danjire Nicolas Berlanga  maanta Xarunta Dahabshiil ee Hagaysa, Waxaan uga mahadcelineynaa Midowga Yurub & kuwa kale adeegsiga adeegyadeenna si aan u taageerno habnololeedka iyo horumarka Soomaalida. Sida safiirku yidhi, shirkadaha gaarka loo leeyahay waa mashiinka dhabta ah ee Horumark” ayuu yidhi Gudoomiye Cabdirashiid Dahabshiil.


No description available. 

Hadhwanaagnews

Hargaysa/Office.

Loading...
Loading...