James Swan oo Golaha Ammaanka Warbixin Ka Siinnaaya Doorashooyinka Iyo Amniga Somalia

0
Monday November 23, 2020 - 16:43:37 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    James Swan oo Golaha Ammaanka Warbixin Ka Siinnaaya Doorashooyinka Iyo Amniga Somalia

    James Swan oo Warbixin Ka Siinaaya Golaha Ammaanka Doorashooyinka iyo Amniga Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

James Swan oo Warbixin Ka Siinaaya Golaha Ammaanka Doorashooyinka iyo Amniga Soomaaliya

Hargeisa(HWN):-Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta warbixin ku saabsan xaaladaha amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, siin doona Golaha Amniga ee ku sugan magaalada New York.



James Swan ayaa la filayaa inuu Golaha ku wargeliyo khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka ee la xidhiidha guddiyada doorashooyinka ee uu dhowaan dhisay Ra’iisal Wasaaruhu magacaabay ayna diideen mucaaradka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay ugu baaqaan dowladda federaalka Soomaaliya inay tixgeliso cabashooyinka mucaaradka lanala sameeyo guddi cusub oo lagu heshiiyo oo hirgeliya doorashooyinka.

In ka badan 10 musharax madaxweyne oo ku shiray magaalada caasimada ah ee Muqdisho, ayaa diiday hay’adaha doorashooyinka ee uu dhawaan magacaabay ra’iisal wasaaraha, Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo sheegay in ayna dhexdhexaad ahayn.

Sidoo kale, hay’adda culimada ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay gogol u fidiso mucaaradka si looga heshiiska khilaafka caqabad ku keeni kara doorashada.


Loading...
Loading...