Tallo Adigaa Ku Nool Ee Iyadu Kuguma Noola..W/Q Rashiid Sulub
F.G: Arragtidayda waxa ka reebban siyaasad iyo dano gaara waxaanay ku qotontaa Danguud.
Sidaynu ognahay, qaddiyadda gooni isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland waa lama taabtaan. Waxaana inoo damaanad qaadaya Dastuurka J/Somaliland oo cod shacbi lagu meel mariyey. Waxaanan cod dheer ugu baaqayaa Shacbiga Somaliland, inay ilaashadaan Madax-bannaanidooda una adkaystaan carqalad kasta oo ay ka mutaan.Mar labaad, waxaan si farxad iyo rayn-rayni ku jirto ugu hambalyeynayaa dhammaan ummadda Somaliland Sannad-guuradda 28-aad ee dhawaan inagu soo fool leh 18 May. Waxaanan rajaynayaa in si dhakhsa ah loo garawsan doono qaddiyaddeena Goleyaasha Caalamka. Haddaba, markaynu dul istaagno maanta marxaladda iyo xaaladaha dhinac walba leh ee inagu xeeran, waxaan odhan karaa waxa ina hor yaalla su'aalo badan oo aynu u baahanahay inay si dhakhso ah uga jawaabno. Taasi oo xoojinaysa oo wax weyn ka taraysa horumarka iyo Masiirka Dadkan iyo Dalkan Somaliland.

Waxaynu ognahay, in maanta Dimuqraadiyaddii iyo Nidaamkii Xisbiyadda ku dhisnaa ee aynu ku soo dooran jirnay Madaxda ina hogaaminaysa ee Doorashooyinka uu muran ka taagan yahay sidii ay u dhici lahaayeen Doorashooyinkii Golayaasha Wakiiladda Iyo Deegaanada, iyadoo Xisbiyadda Qaranka iyo Xukuumaddu aanay wali hayn xal buuxa oo si loo qabto Doorashooyinkaas. Waxaanad moodaa inuu jiro jiho-wareer siyaasadeed, iyadoo loo baahan yahay in si deg-deg ah xal looga gaadho. Hanaankaas Dimuqraadiyadduna wuxuu ka mid yahay tiirarka ugu waa weyn ee lagu majiirto looguna soo joogsado arrinta Somaliland, iyadoo aan loo baahnayn in la xagal daaciyo nidaamkaasi laakiin uu u baahan yahay in la tabantaabiyo, isla markaana guntiga dhiisha la iskaga dhigo sidii loo hirgalin lahaa Doorashooyinkaas miiska inoo saaran. Waxaana inoo muuqata in dadweynihii ka niyad jabeen Doorashooyinkii , iyadoo ay suurtogal tahay in dad dano gaar ah leh ay si qaldan uga faa'iidaystaan oo ay abaabulaan sidii daaqaddaba looga tuuri lahaa Hanaankan Dimuqraadiyadda ku dhisan ee aynu wax ki doorano.
Haddaba, hawlaha ina hor yaalla Dal iyo Dad ahaanba oo baaxad weyn iyo awooddeenna dhaqaale oo liidata marka laysku geeyo, waxay inaga doonaysaa karti, aqoon, talo iyo dedaal dheeriya oo loogu babac dhigo. Dhibaatooyinka siyaasiga ah ee inagaga furan gudaha iyo debeddaba, waxa inoo raaca dhaqaale yari iyo shaqo la'aan baahsan oo ina haysata gaar ahaan dhalinyarrada oo ah xooggii dihnaa ee Dalkani lahaa.
Sidaa daraadeed, Dabaal-degga Sanad-guurrada 28-aad ee Madax-bannaanida J/Somaliland oo inagu soo fool leh waxaynu ognahay inaynu sannad walba si weyn ugu dabbaal degno, iyadoo aynu u hurno kharash badan oo qiyaastayda ah ilaa hal milyan Dollar ah. Runtii, way u qalantaa in wax walba loo hurro qaddiyadda Somaliland laakiin haddana waxaynu u baahanahay inaynu xeelad ciyaarno oo aynu si maskaxi ku jirto uga faa'iidaysanno munaasibaddaa iyo qiimaynteeda.
shaqsi ahaan waxay ila tahay, inaynu sannadkan hakino Dabaal-degga 28 guuradda 18 May, isla markaana sannadka dambe 29 guurada 18 may inaynu lix bilood ka hor u sii diyaar garawno gude iyo debadba. Dhinaca kale, Sanadkan 28 guuradda 18 May inaynu xoogga, maskaxda iyo maalkaba kula hoobanno laba arrimmood oo waa weyn oo ina hor yaalla inaynu xallino. Waa ta koowaade, inaynu maarayno xaaladda siyaasaseed ee Doorashooyinku ugu weyn yihiin, maadaama wakhtigu inagu yar yahay, isla markaana ay inagu soo wajahan tahay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan Ilaahay ha ina gaadhsiiyee, iyadoo bishaasi tahay bil cibaado fasaxna la iska galo.
Waxaanay iigu muuqataa in ahmiyad weyn la siiyo dhammaynta ismarinwaagga arrinta Doorashooyinka oo laga faa'iidaysto wakhtiga kooban ee aynu haysanno. Waa ta labaade, in kharashka faraha badan ee lagu bixinayo Dabaal-degga 18 May, oo Rashiid ahaan qiyaastayda noqon karta ilaa hal milyan Waddanka oo dhan, in loo beddelo dhaqaale ururin Shacbi iyo Dowladba oo laga faa'iidaysto bisha Ramadaan oo dadku khayrka iyo wax bixinta ku fiican yihiin oo layskugu tago in la ururiyo dhaqaale ilaa 3 milyan oo Dollar ah.
Dhaqaalahaasna lagu maalgaliyo Dugsi Farsamada Gacanta ah oo heerkiisu sarreeyo oo lagu hirgaliyo dhisme weyn oo kumanaan qof qaadi kara, iyadoo loo dhamaystirayo dhammaan wixii qalab iyo aqoon ahaa oo heer caalami ah ee dugsigaa tababarku u baahnaa lagana faa'iidaysto Dugsigaasi boqolka sanno ee soo socda, iyadoo uu Dalku u baahan yahay Xirfadlayaal aqoon sare leh oo lagaga maarmo Xirfadlayaasha Ajanabiga ah ee debadda inooga yimaadda.
Guntii iyo gabagabadii Waxaan hubaa, haddii aynu aynu ku guntano xallinta arrimahaas aan kor ku sheegay iyo kuwa la hal maala oo ay ku jirto inay dadkuna wax beertaan oo roobka laga faa'iidaysto, in wax weyn ay ka tari doonto qaddiyadda Somaliland iyo dhaqaalaha Waddankaba, iyadoo ay shaqo abuur ka heli karaan boqolaal kun oo dhalinyaro iyo da'da ka weynba lagagana bixi doono dhibaatooyin fara badan oo ina hor yaalla. Waxaana aan talo ahaan soo jeedinayaa, inaynu sannadk
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





