Khasaare Ka Dhashay Duufaan Ku Dhufatay Deegaanada Puntland

0
Monday November 23, 2020 - 14:21:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khasaare Ka Dhashay Duufaan Ku Dhufatay Deegaanada Puntland

    ... Dhawrkii maalmood ee u dambeeyey ayay hay'adda ka hor tagga masiibooyinka Puntland digniino ka soo saaraysay...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

... Dhawrkii maalmood ee u dambeeyey ayay hay'adda ka hor tagga masiibooyinka Puntland digniino ka soo saaraysay...

Duufaan maalamo ka hor ay saadaalisay waaxda saadaasha hawada ee Soomaaliya kana digtay khasaare laxaad leh oo naf iyo maalba lihi ka dhalan karo, ayaa ku dhuftay xalay fiidkii xeebaha bari ee maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.



Roobab dabaylo xoogan wata ayaa laxaadkoodu ka da'een deegaannada u teedsan inta u dhaxaysa Caluula ilaa Bandarbeyla.


Duufaankan oo magaciisa la yidhaa Gati ayaan ilaa haatan xog buuxda laga hayn khasaaraha uu gaadhsiiyey deegannada baaxaadaa leh ee uu ku dhuftay.


Gebi ahaan ba waxa dabaylaha iyo roobabku gooyeen isgaadhsiintii telefoonnada ee aaggaas, laakiin BBC-da waxa u suurto galay in ay la xidhiidho gudoomiyaha degmada Xaafuun.


Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in khasaare badani gaadhay magaalada Xaafuun oo guryo badani dumeen, waxaanu sidoo kale xaqiijiyey in ilaa haatan sideed qof oo kalluumaysato Yemeniyiin ah maydkoodu ku soo caaryey xeebta iyo sidoo kale lix doonyood.


Meelaha kale ee khasaaraha laga soo sheegayo waxa iyadna ka mid ah tuulo la yidhaa Hurdiya oo woqooyi bari ka xigta Xaafuun in gebigeedaba baddu ku soo caariday oo biyuhu qaadeen gebigeediiba oo dadkii looga daad gureeyey buuraha ku dhaw iyo dhulka joogga sare ee tuuladaa ku dhaw.


Ilaa haatan maamulka Puntland wax war ah kama soo saarin masiibadan, hase yeeshee gudoomiyaha hay'adda ka hortagga masiibooyinka oo ay BBC-du la xidhiidhay ayaa sheegay in ay saacadaha soo socda marka ay xog dhamays tiran helaan ay faahfaahin ka soo saari doonaan khasaaraha ka dhashay duufaanka.


Dhawrkii maalmood ee u dambeeyey ayay hay'adda ka hor tagga masiibooyinka Puntland digniino ka soo saaraysay in duufaanka Gati ku soo fool leeyahay deegannadaas oo ay dadka u sheegaysay in ay ka foojignaadaan oo ka durkaan xeebaha hoose una baxaan dhulka taagga ah ee daadadka ay kaga badbaadi karaan.


Dhanka kale na wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa tibaaxaya in haatan roobab mahiigaanno ah oo dabaylo xoogle wataa magaalada iyo deegaannada ku hareeraysan ba ka da'ayaan, taasina ay sii kordhinayso cabdida laga qabo in duufaanku gaadhi karo aaggaas.

 

Loading...
Loading...