Somaliland:-Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Oo Maxkamada Sare Laga Dacwaynayo

0
Monday November 23, 2020 - 13:41:50 in News by
  • Visits: 1909
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland:-Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Oo Maxkamada Sare Laga Dacwaynayo

    Somaliland:-Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Oo Maxkamada Sare Laga Dacwaynayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland:-Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Oo Maxkamada Sare Laga Dacwaynayo


Hargeysa(HWN):-Kulan ded dega oo maanta aĆ½ iskugu imaadeen gudaha Hargeysa saxafiyiin iyo qaar kamida mulkiilayaasha xarumo warbaahineed oo ay hor kacayaan masuuliyiinta ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa siweyn ugu gacan saydhay dhawaaq kasoo yeedhay masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta , oo cashuuro cusub kusoo rogay warbaahinta madaxa banaan.


Xubnaha maanta kulanka isugu yimi ayaa sheegay inaanay sinaba u aqbali doonin gudiyo wasiirka warfaafintu arintaasi u saaray oo uu talo bixin ka sugayo.

agaasimaha ururka suxufiyiinta somaliland ee Solja Yaxye Xanas oo ka hadlay kulanka ay iskugu yimaadeen weriyayaashu ayaa waxa uu yidhi "Waxa ay maanta si wadda-jir ah wariyayaal ka kala socday qaybaha kala duwan ee warbaahintu ka soo hor-jeedsadeen go'aamadda is-daba jooga ah ee Wasaaradda warfaafintu soo saartey ee ka dhanka ah Ruqsad bixinta iyo Xayiraadaha oo aan Sharci ahaan waafaqsanayn Dastuurka & Xeerka Saxaafadda Somaliland 27/2004 oo Awood buuxda siinaya Xeer ilaalinta.

Baaqan ayaa lagu ladhi doonaa Dacwad uu ururka SOLJA iyo Bahda Saxaafadda oo isku dhan ay u gudbin doonto Maxkamadda ay khusayso ".
Yaxye Xanas agaasimaha ururka Solja.

sidoo kale guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa sheegay in ay Maxkamadda sare u gudbin doonaan dacwad ka dhan ah Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, kaas oo soo saaray laba wareegto uu ku sheegayo in Warbaahuntu dib u cusboonaysiisato ruqsadahooda, taas oo aanu jirin sharci awood u siinaya.





 
Loading...
Loading...