Xukuumada Somaliland Oo Digniin Ka Soo Saartay Duufaano Ku Soo Wajahan Dalka

0
Monday November 23, 2020 - 13:32:41 in News by
  • Visits: 1444
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Digniin Ka Soo Saartay Duufaano Ku Soo Wajahan Dalka

    Xukuumada Somaliland Oo Digniin Ka Soo Saartay Duufaano Ku Soo Wajahan Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Digniin Ka Soo Saartay Duufaano Ku Soo Wajahan Dalka


Hargeysa(HWN):-Xukuumadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa shacabweynaha uga digtay roobab dabaylo wata oo la filaayo in ay dalka ka da’aan 48 sacadood ee soo socda kuwaasi oo khatar ku ah dadka degga gobollada baddaha leh iyo goobaha biyo mareenada ah.



Guddoomiyaha ha’yadda kaydka raashinka iyo masiibooyinka dabiiciga ah, Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in dalka ay kusoo socdaan duufaan kasoo kacay waqooyiga badweynta Hindiya "48 sacadood ee soo socda waxa dalka kusoo wajahan roobab dabaylo wato oo la filaayo in ay ka yimaadan waqooyiga badda Hindiya, kuwaasi oo soo marayaa Puntland , qaybo badan oo Somaliland la filaayo in ay gaadhan roobabka dabaylaha wata” ayuu yidhi.


Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in waajib ay ku tahay in ay gudbiyaan digniinta kowaad ee xaaladkasta oo khatar ku ah shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland , waxana uu yidhi "waa waajib na saran in aanu bixino digniinta hore ee xaalad kasta oo la odhan karo dhibaato ayey dadka ku keenaysaa "Roobabka dabaylaha wata ayaa la filaayo in ay ka da’aan gobollada Sanaag, Saaxil ,Maroodijeex iyo Selel waxanay ha’yaddu uga digtay maraakiibta iyo kalluumaysta in ay ka taxadaraan badda inta ay dabaylahaasi socda kuwaasi oo khatartooda leh.


 

Ha’yadda ayaa sidoo kale diginin u dirtay dadka ku nool gobollada badda leh iyo goobaha biyo mareenada dhow inta ay socdaan roobabka dabaylaha wata.

Xukuumadda Somaliland oo Digniin kasoo Saartay Duufaano
Loading...
Loading...