Wasiirka Warfaafinta Oo Xabsiga Ku Hubsaday Madaxii Baahinta Dibada Ee Telefishanka Qaranka+Sababta

0
Monday November 23, 2020 - 13:08:15 in News by
  • Visits: 2191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinta Oo Xabsiga Ku Hubsaday Madaxii Baahinta Dibada Ee Telefishanka Qaranka+Sababta

    Wasiirka Warfaafinta Oo Xabsiga Ku Hubsaday Madaxii Baahinta Dibada Ee Telefishanka Qaranka+Sababta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta Oo Xabsiga Ku Hubsaday Madaxii Baahinta Dibada Ee Telefishanka Qaranka+Sababta
Hargeysa(HWN):-Wasiirka warfaafinta somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa xabsiga ku hubsaday madaxii Baahinta dibada( satellite) ee telefishanka dawlada Axmed Ugaas.

No description available.


Xadhiga Axmed Ugaaska ayaa waxa amray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleeban Yuusuf Cali (Koore), Sababta uu u xidhay Wasiirku ayaa lagu sheegay dib u dhac ku yimid 10 daqiiqo oo kaliya ah baahinta warkii tvga qaranka ee 4ta galabnimo malintii daraad.

Ugaaska oo shalay gelinkii hore Hargeysa laga xidhay ayaanu Wasiirku hore ugu qorin digniin shaqo oo ku saabsan arrinkasi madaama oo uu ka mid ahaa shaqalaaha dawlada oo xaq u leh saddex digniinod in la siiyo ka hor intaan talaabo kale oo sharci la qaadin, sida la ii xaqiijiyey.

Axmed Ugaaska ayaa ka mid ah shakhsiyaadka tiir dhaxaadka u ah baahinta Telefishanka Qaranka oo muddo dheer uu ka soo shaqaynayey, Sidoo kale wuxuu laf dhabar u ahaa Baahintii Ciyaarihii gobolada Somaliland Iyo Guud ahaanba Baahinaha Tooska ah ee Tvga Qaranka Somaliland soo tabiyo.
Waana Markii ugu horaysay ee talaabo noocan oo kala ah uu qaado Wasiir soo mara Wasaarada Warfaafinta Somaliland.

Loading...
Loading...