Warbaahinta Madaxa Banaan Oo Si Adag Uga Hortimid Amar Ka Soo Baxay Wasiirka Warfaafinta

0
Monday November 23, 2020 - 12:57:39 in News by
  • Visits: 966
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta Madaxa Banaan Oo Si Adag Uga Hortimid Amar Ka Soo Baxay Wasiirka Warfaafinta

    Warbaahinta Madaxa Banaan Oo Si Adag Uga Hortimid Amar Ka Soo Baxay Wasiirka Warfaafinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta Madaxa Banaan Oo Si Adag Uga Hortimid Amar Ka Soo Baxay Wasiirka Warfaafinta


Hargeysa(HWN):-Suxufiyiinta Somaliland, ayaa si adag u cambaareeyey, sharci darro-na ku tilmaamay tallaabo uu Wasiirka Warfaafintu ku doonayo in ruqsadaha Warbaahinta ku cusboonaysiiyo, taas oo aanay jirin sharci u banaynaya Wasiirka inuu talaabadan qaado.


kulan ay saxaafada somaliland iskugu yimaadeen magaalada Hargeysa ayaanay ka shaaciyeen inaanay sinaba u aqbalayn talaabada uu wasiirku doonayo inuu qaado taas oo ay ku tilmaameen mid sharciga baal marsan.


Warbaahintu, waxa ay ku tilmaantay arrintan mid lagu cabudhunayo Saxaafadda madaxa banaan oo aanay aqbali doonin, iyaga oo wasiirkana warfaafinta ku eedeeyey inuu faraha kula jiro hawl aan shaqadiisa ahayn, waxaanay dalbadeen in xukuumadu arinkan ay si deg deg ah uga noqoto.
Image may contain: 21 people, including Abdifatah Mursal and Mohamed Yusuf Bakayle, people sitting
Loading...
Loading...