Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo TPLF U Qabtay '72 Saacadood Iney Isku Soo Dhiibaan'

0
Monday November 23, 2020 - 08:44:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1010
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo TPLF U Qabtay '72 Saacadood Iney Isku Soo Dhiibaan'

    "Wax naxariis ah ma jiri doonto," ayuu yiri afhayeenka ciidamadu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wax naxariis ah ma jiri doonto," ayuu yiri afhayeenka ciidamadu.

Ra'isal wasaaraha Itoobiya ayaa xoogagga TPLF u qabtay 72 saacadood iney dowladda isugu soo dhiibaan, xilli ay ciidamada dowladda Itoobiya ay ku sii jeedaan caasimadda Maqale.



Abiy Axmed wuxuu hoggaanka Tigraay uu u sheegay in la marayo "meel aan laga noqon karin".


Xogagga Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigraay ee TPLF oo gacanta ku haya dhulka buuraleyda ayaa wacad ku maray iney dagaalka sii wadayaan oo ay isdhiibeyn.


Dagaalka dhowrka toddobaad dhex maraya ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya iyo kuwa daacadda u ah Tigraay waxaa la rumeysan yahay iney boqollaal qof ku dhinteen kumannaanna ay ku barakaceen.


Mar sii horreysayna ciidamada dowladda Dhexe waxay ka digeen magaalada Maqale oo ay ku nool yihiin 500,000 oo qof in taangiyo lagu hareereeyey ayna dhici karto madaafiic in lagu garaaco.


"Wax naxariis ah ma jiri doonto," ayuu yiri afhayeenka ciidamadu.


Hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebre-michael oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters wuxuu sheegay ciidamada daacadda u ah TPLF iney diyaariyeen qorshe rogaal celis ah oo ay kaga adkaanayaan ciidamada dowladda.


"Hirar iyo Mowjado dagaal ayey nagu soo qaadeen balse waxtar ma leh", ayuu yiri mar uu u warramayey wakaaladda wararka ee Reuters.


Dowladdu maxay qorsheyneysaa?

Dowladda dhexe ee Itoobiya waxay sheegtay ciidamadeeda toddobaadki hore iney qabsadeen magaalooyin muhiim ah. Balse waxaa adag in la helo ilo madax bannaan oo xaqiijiyo guusha ay dowladdu sheegatay maadaamaa ay weli taleefoonnada iyo interneetka deegaankaasi ay go'an yihiin tani iyo marka uu dagaalkaasi billowday.


Warmurtiyeed ay dowladda ka soo baxay Mr Abiy wuxuu ku yiri: "Waddadi burburka ee aad hayseen xilligi la soo afjari lahaa in hadda la joogo, balse intaa ka hor waxaan markale idinkuugu baaqayaa 72 saac gudahood si nabad ah inaad dowladda isugu soo dhiibtaan, maadaamaa hadda la joogo meel aan laga noqon karin, Fursaddan ugu dambeysa ka faa'ideysta."


Abiy Axmed xoogagga TPLF wuxuu ugu baaqay "iney si nabad ah iisu soo dhiibaan", shacabka magaalada Maqale wuxuu ugu baaqay iney taageeraan xoogagga dowladda si kooxda uu ku sheegay burcadda ee deegaanka Tigraay isku uruursaday caddaaladda loo horgeeyo".


Madaxweynaha koonfur Afrika sidoo kalena ah guddoomiyaha Midoowga Afrika ayaa saddex madaxweynayaal hore oo Afrikaan ah u magcaabay inay dhexdhexaadiyaan labada dhinac.


Balse dowladda federaalka ee Addis Ababa ayaa waxay marar badan diiday baaqyada loo jeedinaya in wadahadala la sameeyo, waxaana la sheegay in ergadaasi oo ah saddex madaxweyne oo hore oo Afrikaan ah ay la kulmi doonaan oo keliya ra'iisul wasaare Abiy Axmed


Mr Mamo Mihretu, oo lataliye sare u ah ra'iisul wasaraaha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa waxaa uu BBC-da uu sheegay in wadadhallada ay ku haboon yihiin kadib marka ay ka adkaadaan cidamada maamulka TPLF markaas.


Tani iyo inta uu qarxay dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo xoogagga TPLF ee deegaanka Tigraay waxaa gabi ahaanba meesha ka baxay isgaarsiinti iyo gaadiidki deegaankaasi ka jiray.


Mr Mamo wuxuu sheegay dowladda 'dadaalka ugu sarreeya' iney u galeyso sidi ay hay'adaha qaramada midoobay shacabka Tigraay gargaar bani aadaminimo u gaarsiin lahaayeen.


Dagaalka muxuu salka ku hayaa?

Dagaalka wuxuu ka dhashay khilaaf xooggan oo muddo ka dhex taagnaa Xisbiga TPLF oo ka mid ah xibiyada siyaasadeed oo ugu awoodda badnaa Itoobiya iyo Dowladda dhexe uu hoggaamiyo Dr Abiy Axmed.


Iyada oo khilaafka ugu weyna uu soo ifbaxay marki uu Abiy Axmed bishii June uu dib u dhigay doorashada guud isaga oo u sababeeyey faayraska corona dartii iny doorasha xilligeeda ku dhici karin.


TPLF dowladda dhexe uu hoggaamiyo Abiy Axmed waxay u aragtaa sharci darro, iyaga oo ku doodaya Abiy inuu sharci uu dalka ku hoggaamin karo haysanin.


4-tii bisha November ra'isal wasaaraha Itoobiya wuxuu iclaamiyey howlgal ka dhan ah TPLF, isaga oo ku eedeeyey iney maleeshiyaad daacad u ah ay weerar ku qaadeen xaruunta ciidamada qaybta waqooyi oo fadhigoodu ahaa magaalada Maqale.


Balse TPLF ayaa eedda loo soo jeediyey dhinac isaga dhigtay.


Maleeshiyaadka daacadda u ah TPLF, ciidamada dowladda dhexe ka soo goostay ee TPLF la saftay iyo maleeshiyaadka hubeysan marka la isku daro xoogagga TPLF daacadda u ah tiradooda waxaa lagu qayaasaa 250,000.


Sida ay xaaladda u adag tahay?

Hey'adaha gargaarka ayaan fursad u helayn in ay gaaraan goobaha dagaalka uu ka socdo, balse waxay cabsi ka qabaan in kumannaan rayid ah laga yaabo in dagaalka ay ku dhinteen tan iyo intii uu dagaalka bilaabmay horraantii bishan November.


Ugu yaraan 33,000 oo qaxooti ah ayaa ilaa iyo imika xadka ka tallaabay oo gaaray dalka Itoobiya dariska la ah ee Sudan.


Hey'adda qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR ayaa sheegeysa in isu diyaariyaan qaabilaada qaxooti gaaraya 200,000 oo qof oo dalkaasi soo gaari doona 6 bilood ee soo socota haddii uu dagaalka sii socda.


Jimcihii xoogagga TPLF ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gantaalo ku garaaceen magaalada Bahir Dar ee caasimadda gobolka Amharada.


Dowladda gobolka Amharada ayaa waxay sheegtay in duqeyntaasi aysan wax khasaaro ah ka dhalan.

Hey'adaha gargarka ayaa ku baaqaya in sida ugu dhaqsiyaha badan si kumeelgaar ah xabadda loo joojiyo gobolka Tigrey si ay u suragasho in la gaaro dadka rayidka ah ee uu dagaalka saameeyay.


Qaramada Midoobey ayaa doonaysa in la sameeyo tub gargaarka bina'aadanimo loo mariyo dadka uu saameeyay dagaalka labada toddobaad u dhaxeeya Militariga fedaraalka Itoobiya iyo xoogagga Tigrey.


Boqllaal qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay dagalada ka socda gobolka Tigrey ee waqooyiga Itoobiya.

Hay'adaha gargaarka waxay codsanayaan $ 50m (£ 38m) oo loogu talagalay cuntada iyo hoyga dadka cusub ee yimid.


BBC

Loading...
Loading...