Cabdi Xaashi" Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku xadgudbay qodob sharci ah"

0
Monday November 23, 2020 - 08:09:36 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Xaashi" Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku xadgudbay qodob sharci ah"

    Doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi kama duwana

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi kama duwana




Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ka hadlay khilaafka ka dhashay Guddiyada doorashooyinka ay soo magacaabeen Dowladda Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha, Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

 

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee khilaafka uu yahay markii Xafiisyada Madaxweynaha , Ra’iisul Wasaaraha & Taliska NISA laga soo xulay xubnaha Guddiyada doorashooyinka si loo majaxaabiyo Arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi oo ka qeyb-galayay Barnaamij ka baxayay Idaacadda VOA-da ayaa waxaa uu sheegay in dhinaca kale Madaxtooyada Soomaaliya ay dooneyso in ay boob iyo maja xaabin ku sameyso doorashooyinka Xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

 

"Doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi kama duwana kuwa ay dowlad goboleedyada soo sameysanaya, waxaana xaq u leh inay kamid noqdaan kuwo siyaasiyiin ah oo dowladda kujira iyo kuwa aan ku irin, balse waxaad moodaa in la gacan bidixeynayo oo la doonayo in dhinac kale loo weeciyo ayuu yiri” Guddoomiyaha Aqalka sare.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Farmaajo in uu si toos ah u jebiyay shuruuc dalka u yaalla, waxaana uu sheegay in Xukuumaddii Kheyre oo markii hore sharci darro lagu riday, hadana ra’iisul Wasaare kuxigeenkii oo kamid ahaa Wasiiradii dhacay xilka si kumeel gaar ah loogu dhiibay halka ay aheyd in Kheyre uu sii haayo xilka ilaa laga soo Magacaabayo Ra’iisul wasaare.

 

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi aya dhowr jeer soo saaray qoraalo uu uga soo horjeedo guddiyada doorashooyinka Xildhibaannada Gobolada Waqooyi oo uu soo Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble, isaga oo dhankiisa Magacaabay Guddi doorasho & xalinta khilaafaadka.


Loading...
Loading...