Tirada Wasiiro Xilal Soo Qabtay Maamul Soomaaliya Ka Tirsan Oo Dacwaynaya Madaxweynihii Magacaabay

0
Friday April 26, 2019 - 18:20:04 in News by
  • Visits: 2629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tirada Wasiiro Xilal Soo Qabtay Maamul Soomaaliya Ka Tirsan Oo Dacwaynaya Madaxweynihii Magacaabay

    Tirada Wasiiro Xilal Soo Qabtay Maamul Soomaaliya Ka Tirsan Oo Dacwaynaya Madaxweynihii Magacaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tirada Wasiiro Xilal Soo Qabtay Maamul Soomaaliya Ka Tirsan Oo Dacwaynaya Madaxweynihii Magacaabay


Muqdisho(HWN):-Wasiiro hore xilal uga soo qabtay maamulka Hirshabeelle ee soomaaliya ayaa shaaciyey dacwad ay ka gudbiyeen madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulkaasi.

Image result for madaxweynaha maamulka hirshabeelle


Dr. Xuseen Cismaan Cilmi oo soo qabtay xilka wasiirka xanaanada xoolaha maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in xubno xilal wasiirnimo soo qabtay oo tiradoodu gaadhayso 11 ay dacwad ka gudbiyeen madaxweynaha iyo ku xigeenka maamulka Hirshabeele.


Sidoo kale Dr. Xuseen ayaa sheegay in dacwada ay qabaan ay soo martay marxalado kala duwan haatana ay u gudubtay maxkamada sare ee dalka taas oo guda gali doonto todobaadkan.'


Wasiirkii hore ee xanaanada xoolaha maamulka Hirshabeelle oo ka hadlaya dacwada ay qabaan ayaa waxa uu yidhi "Dacwada aanu wadana waxay ku qotontaa xuquuq naga maqan oo ah mushaharkii aanu xaqa u lahayn, wasiir kastana waxa ka maqan lacag gaadhaysa laba kun oo doolar oo uu bishii u xaadiri jirin isaga oo aan qaadan wakhti gaadhaya 15 bilood, wasiir dawlayaasha iyo wasiir ku xigeenada waxa ka maqan lacag oo ay bishiiba qaadan jireen kun iyo shan boqol oo doolar iyaga oo aan qaadan 15 bilood iyaguna.”


Waxa kale oo uu ex wasiir Dr. Xuseen ka hadlay rajada ay ka qabaan dacwadan "waxaan filaynaa in dacwadaas aanu ku guulaysan doono waayo waxaanu raadinaynaa oo naga maqan waa xaqayagii iyo xuquuq aanu lahayn oo naga maqan.”


Maxkamada sare ee soomaaliya ayey u noqonaysaa dacwadii ugu horaysay ee nooceeda ah ee ay ka garnaqdo, iyada oo si weyn indhaha loogu hayo natiijada ka soo bixi doonto iyo qaabka ay u bilawdo dhagaysiga dacwadaas.

Loading...
Loading...