'Waan Yaabay Markii Dusha La Iga Saaray Weerar Ay Ku Dhinteen 253 Qof'
Amara Majeed oo ah gabar muslimad ah, horayna u qortay buug ay ciwaankiisa ka dhigtay "The Foreigners"(Ajaanibta), ayaa u ol'oleysa arrimaha islaamka.
"Saaka waxay dowladda Sri Lanka si been abuur ah iigu tilmaamtay inaan ka mid ahay xubnihii kooxda ISIS ee weerarrada ka fuliyay Sri Lanka. Waa arrin la yaab leh oo subax lagu soo kaco", sidaas ayey Amara kusoo qortay barteeda Twitter-ka.
Qiyaastii 253 ruux ayaa lagu dilay, boqollaal kalena wey ku dhaawacmeen weerarradii ka dhacay Sri Lanka oo lagu beegay munaasabadda masiixiyiinta.
Dad ismiidaamiyay ayaa isku qarxiyay hoteello iyo kaniisado ku yaalla dalkaas.
Sawir uu ka muuqdo wajiga Amara Majeed ayey mas'uuliyiinta Sri Lanka shaaciyeen, iyagoo ku tilmaamay inay ka mid tahay dadka ka dambeeyay falalkaas dhiigga badan lagu daadiyay.
Magaca sawirka lagu qoray wuxuu ahaa Abdul Cader Fathima Khadiya, balse wajiga muuqday waa Amara oo ku dhalatay magaalada Baltimore ee dalka Mareykanka, waalidiinteedana ay ka soo jeedaan Sri Lanka.
"Way iska caddahay in arrintan ay gabi ahaanba been abuur tahay, waxayna muujineysaa in bulshooyinkeenna lagu khalday xaaladaha amniga, ma doonayo been abuur kale iyo eedeyn aan waxba ka jirin", ayey ku qortay barteeda Twitterka.
"Fadlan joojiya khatarta aad igu galineysaan weerarradan argagaxa leh", ayey sii raacisay qoraalkeeda.
Saraakiisha booliska Sri Lanka ayaa khaladka dhacay ku xaqiijiyay bayaan ay soo saareen, waxayna sheegeen in qofka sawirkiisa la baahiyay aan la doon dooneynin.
Xiisado kacsan iyo ugaarsiga booliska oo socda
Ilaa hadda 9 ruux ayaa lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen weerarradaas, halka tobannaan kalena xabsiga loo taxaabay.
Boqollaal ka mid ah muslimiinta Axmadiyada ee dalka Sri Lanka, oo ah dariiqo la aaminsan yahay inay billaabeen dadkii Islaamka gaarsiiyay waddankaas, ayaa ka cararay guryahooda ku yaalla magaalada Negombo, si ay uga dhuuntaan dadka deegaanka ee doonaya inay waxyeellada u geystaan.
Xiisado kacsan ayaa dalkaas ka jiray tan iyo maalintii Axada ahayd, markaasoo ay dhaceen weerarro ismiidaamin ah.
Dowladda ayaa falkaas ku eedeysay koox maxalli ah oo lagu magacaabo National Thowheed Jamath, balse waxay sheegtay in ay caawinaad ka heleen dibadda.
Kooxda isku magacowday dowladda Islaamiga ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarradaas, hase ahaatee, ma aysan bixin wax caddeyn ah oo muujinayaa inay toos ugu lug lahaayeen.
U dagaallamidda astaamaha muslimiinta
Amara Majeed waxay warbaahinta qabsatay iyadoo 16 sano jir ah, ka dib markii ay aasaastay mashruuca xijaab xirashada, kaasoo ku dhiirrigalinayay haweenka muslimiinta ah iyo kuwa aan muslimiinta ahaynba inay xijaab xirtaan ayna dareenkooda ku muujiyaan baraha xiriirka bulshada.
Sannadkii 2015-kii, waxaa lagu xusay barnaamijka BBC-da ee 100 dumar, kaasoo ah mashruuc sanadle ah oo looga sheekeeyo haweenka ku dayashada mudan.
Markii uu socday ol'olihii doorashada madaxtinnimada ee Donald Trump, waxay Mr Trump u dirtay warqad furan oo ay ku eedeyneyso "inuu yahay qof jiho khaldan u wada Mareykanka".
BBC.


0 





