Sadex Sanadood Ka Dib Xukunka Muuse Biixi XORRIYOOY WAR IGA HOO!....Warbixin

0
Sunday November 22, 2020 - 12:59:36 in News by
  • Visits: 1887
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sadex Sanadood Ka Dib Xukunka Muuse Biixi XORRIYOOY WAR IGA HOO!....Warbixin

    Sadex Sanadood Ka Dib Xukunka Muuse Biixi XORRIYOOY WAR IGA HOO!....Warbixin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sadex Sanadood Ka Dib Xukunka Muuse Biixi XORRIYOOY WAR IGA HOO!....Warbixin





Xorriyo maanta waxaa Saddex sano laga joogaa markii la doortay ama si rasmi ah loo cadeeyay ninka ku gaya ee ku guursaday. Waa maalintii dadkaagu madaxa isu ruxeen ee ay go'aamiyeen in laguu siiyo doobkii xilkaaga u soo geed fadhiistay. Sidaana laguugu dhisay. Isla maalintaa ayaa isna gadhwadeen ka ahaaday nidaamka maanta awoodaada haya. Wuxuu soo socdaba ilaa maanta doobkii dardartiyo wacdarihii laga filayay inuu ku daryeelo xilkaaga lagama helin. Waxba isma badalin haday tahay gudashada waajibkaagii! Wax isbadal togan ah oo ku dhacay qabyadii qaran ee inoo taalay ma arag. Bal e waxaan si adag u aaminsanahay inay sii biirtay oo qabyadii hore ee tiil mid kale sii fuushay. Waa waji gabax iyo mid aan haabkaba lagu hayn.

Waa aan dhaliilsanahay ilaa hada sida uu nidaamkaa aad dooratay dalka u maamulay. Waxa aan Xorriyo isbadal dhab ah oo togan ka sugayay dhawr meelood: 1. sii kobcinta geedisocodka dimuquraadiyada sida tan doorashooyinka iyo kala madaxbanaanaynta haayadaha dawlada, kobcinta axsaabta siyaasada, dharista xoriyatulqawlka iyo xoriyaadka muwaadinka.

2. Tayaynta haayadaha dawliga ah, hirgalinta hanaanka dawlad wanaaga iyo ilaalinta midnimada qaran ee shacbiga

3. Shaqo abuurka, maalgashiga, tayaynta maaliyadeed ee shaqaalaha, curinta siyaasad dhaqaale oo furfuran oo nafaqaysa haynta jeebka muwaadiniinta, la dagaalka saboolnimada shacbiga Somaliland si markaa u cayili karo dhaqaale guud ee qaranku.

4.curinta, wax kabadalka, kaabista iyo hirgalinta shuruucda iyo kor u qaadista wacyiga bulsho ee aaminida iyo ku dhaqanka qaanuunka iyo tayaynta ciidamada gaar ahaan wax barista ciidamada booliska ee hoos u sii dhaadhacaya aqoon ahaan iyo tayo ahaanba.

5. Tayaynta siyaasada dibada sida samaysashada saaxiibo sumcad iyo saamayn siyaasadeed iyo mid dublamaasiyadeed ku leh aduun, dardargelinta ka midho dhalinta himilada qaranka ee ka dhaadhicinta qadiyada wali aan garawshiiyo ka helin beesha caalamka iyo xeeladaynta dagaalka siyaasdeed iyo dublamaasiyadeed ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Somaaliya oo imika u muuqda in si aan hore loo arag looga gacan sareeyo Soomaaliland.

Hadaba Xorriyooy (Somaliland) markaa, waxaan anigu walba ka qof ahaan waxan aamisanahay in qoomid iyo dhantaal hor leh oo meelaha gaadhay moojiye ciddiba muska u adkayn. In ay wali qabyadoodii halkii tahay. Waxa aan Xorriyo qabaa in xaalada siyaasadeed ee nidaamka maanta dalka ka taliyaa iyo dabcan guudahaan taada guud ay ay sii caatowday oo beerqaansawday. Dambi iga raaci maayo hadaan idhaa nuxurkaagii qaranimo wuxuu u muuqdaa mid naftu hayso oo rafanaya aakhirkana mar aan dheerayn noqon doona mid xawda laga jaray oo bakhtiyay. Waxan ku suurayn karaa xaalada hogaankii xukumadaada baydkan:

Wakhti baa muddaysnaa

Musku waa sanqadhayaa

Masna waa ka urayaa

Miciyaanay ku og tahay

Meel dheerna kama jiro,

Mundulkuna kor iyo hoos

Mugdi oodan weeyaan,

Habartuna mandheer iyo

Marjo weeye naafa ah,

Muslinyahow islaantii

Malmal-li'ida haysiyo

Wedka hoos marmarayaa

Mashaqiyo dhib badanaa!"

Kala-maan- Hadraawi, 1982

Ilyaas Cabdi Carte,
Hargaysa
[email protected]
Loading...
Loading...