Captain Guji Iyo Somtelba In Karaamadooda La Dhawro Ayay Geyaan.

0
Sunday November 22, 2020 - 09:23:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1325
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Captain Guji Iyo Somtelba In Karaamadooda La Dhawro Ayay Geyaan.

    W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Siciid Maxamuud Gahayr

11kii Nofember 2020ka ayaan xulalka Maroodijeex kala qaybgalay hadhimo-sharafeed, taas oo uu u sameeyay Cabdicasiis Maxamed Xaashi Maayar kuxigeenka caasimadda Hargeysa. Waxa ay ka dhacday deegaanka Toon ee Koonfurta Hargeysa. Gudaha Toon waxa nagu sugayay Xildhibaan Ismaciil Cagayare iyo badi ciyaaryahannadii kala duwanaa ee Maroodijeex. Baabuurta ay wateen ayay ka degeen, waana ay shaahaynayeen. Waanu la joognay cabbaar halkaas.



Waxa ka mid ahaa Cabdikariin Guji. Kolkii la isa soo gaadhay ee shaagga la rogay waxa uu Guji kaxaystay xaajiyad madaw oo tayo leh, waana ta sawirka aad ka aragtaan. Waana gaadhi uu lahaa. Ma aha nin baabuur la’aani haysay, wixii se cagtiisu u jarto waa leeyahay. Abaalmarinta ay shalay ka hadleenna uma arko mid Maroodiijeex gaar u ahayd, haddii ay jirto waxa yeelanayay ciyaaryahanka ugu wanaagsan wareegga gobollada.


Ballanqaadka SOMTEL wuxuu u baahnaa hubin laba dhinac ah. Waxaanu ahaa mid warbaahinta lagu hadalhayay intii Guji noqday xiddigga kubbadda cagta ee horyaalka gobollada. Fagaare hore oo lagu shaaciyay iyo meel lagu beeniyay jiritaankiisa maalmaha warkiisu socday ee koobku dhammaaday midna ma arkin.


Haddii ciyaaryahannada Maroodijeex ay sheegeen wixii ay ogaayeen, in dhankii kale laga warsugo ayay ahayd. Laakiin lama sugin ee kooxo ayaa la kala noqday. Weli shirkadda Somtel hadal ayaa ku laaban oo jawaab rasmi ah kama haynno.


Captain Guji iyo Somtelba in karaamadooda la dhawro ayay geyaan. Ugu dambaynna shirkadda Somcable yaan loo arkin doorkeeda ku xumayn. Waxa ay kala furatay shirkad iyo ciyaaryahan xaalkoodu murgay. Waana ay mahadsan yihiin.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...