Muuse Biixi Waxa Uu Caadaystay In Uu Dadka Sawir Been Ah U Muujiyo Marka Uu Wax Kharibayo
Muuse Biixi Wuxuu Caadaystay Marka uu Wax Qaribayo Dadka Gidaar Kale U Sawiro Si Loogu Mashquulo, Sawirka Doorkan Ma Wuxuu Ka Jeediyay Xisbiyadki iyo Taageerayaashoodii Arinta Diiwaangalinta?
Waxeynu Arkeynaa in Ilaa iyo Maanta aanay Wali Isfahmin Dad Badan oo Kamid ah Shacabka Somaliland Khusuusan Taageerayaasha Xisbiyada iyo Siyaasiyiintoodaba Habdhaqanka Been-guurka iyo Yool Habaabinta ah ee Madaxweyne Biixi Kaas oo Marka uu ujeedo Leeyahay ama Arin Xaqiiq ah oo uu Majarahabaabinayo Ka Jeediya Indhaha Bulshada.
Hadaynu Tusaale Usoo qaadano Xisbiyadii Mucaaridka ahaa ee Ucid iyo Waddani Taageerayaashoodii iyo Siyaasiyiintoodiiba Wuxuu ku Jeediyay Hadal Been Guur ah isagoo Iska Dhigay In uu U Dagaalamayo, Odayga Aqalka Sare ee Soomaaliya Ina Xaashi Waxaana Taa Raacay oo lagu Sirey Taageerayaal Badan oo aad Moodo in uu Ka badiyay Marba hadii ay Caadifad dhaqaaqeen oo ay Sawirada Profilkooda Isticmaalka Facebook soo Dhigteen Mahdi Guuleed Waar Odaygu Laba Beenguur ayuu Yaqaanaaye, Kan uu Sawirka Kula Galo Siyaasiyiinta si uu Bulshada u Tuso, iyo Kan Hadal aan Munaasib aheyn uu Ku odhanayo Muddona Lagu Mashquulayo.
Waa Suurtagal in uu Isagu Isleeyahay Guulbay kuu Yihiin in Aad Shacabka Aad Madaxweynaha u Tahey Majara habaabiso Laakiin Waxey Isweydiintu Tahay Tolow Waa Noocma Mashruucan uu Shacabka iyo Xisbiyada ka Jeedinayo, ee La Majara habaabinayaa?
Runtii Su’aashaasi Jawaabteedu Wey adag Tahey Laakiin Waxeynu kaga Tusaale qaadan Karnaa imisa Qof oo Siyaasi Sheeganaya oo Xisbi Katirsan ayuu Doorkan u Caraabiyay Muqdisho Wey Badan Yihiin Laakiin Marnaba Ismay Weydiin in Diiwaangalinta Doorashada Laga Jeedinayo Bulshada
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!