Amarey Ayaan Daran, Awliyey Ku Laayeen, Meelu Ey Ku Kaajaa Tanba Uga Arimiyaan.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM [A.S.C.W.R.W.B]
TU KHAAS AHNA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHA.
1-UBADKAY DHALEEN IYO,USGAGII KACAANKAA,
ISHELO ISURURSADAY,ARIMAHEEDI GOOYOON,
UMMADABA U TALIYE,XAMAREY AYAAN DARAN,
ABRISYAAL ABEESIYO,MAXAA AADU KUGU NOOL.
2-DHULKU KALA AYAAN ROON,ARAMAY KU HURDA,
AWLIYIYO CULUMO LAGU DILAY,INDHEER GARAD,
ASAY DUMARKU QAADEEN,AGOOMAHU KA OYEEN,
AWOOD LAYSU SHEEGTOON,LAYSU ABO YEELAYN.
3-AAYADAHII QURANKIYO,AXAADIIS LAGU BEDELAYO,
AFKAAR SHUUCI LEEYIYO,LA AMANAY SHAYDAAN,
AFWEYNABA MA WEYDOY,EEDU WAA DADKAAGEE,
DHUL ILAAHAY WEEYE,ALLE BARI HA LOO DHIGO.
4-ANAGUBA IDIN MA DHAANO,MEELU EY KU KAAJO,
DAD KU AASANYIINBA,UMMADAN LOOGU TALIYA,
MUDAA LOO ADKAYSTO,SIDAN KU EGAN MAYNEE
AAGAAN BEDELAYNAA,AYAAN DHOW INSHA ALAA.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!