Ra'iisul Wasaare Rooble Oo Maanta Kusii Jeeda Baydhabo Iyo Ujeedka Safarkiisa

0
Sunday November 22, 2020 - 08:49:16 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare Rooble Oo Maanta Kusii Jeeda Baydhabo Iyo Ujeedka Safarkiisa

    Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa booqan doona Xerooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Rooble ayaa booqan doona Xerooyinka




Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa lagu wadaa inay Maanta tagaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Magaalada Baydhabo, hayeeshee waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda Maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa booqan doona Xerooyinka Ciidamada Dowladda ee qeybta 60aad si uu ugu kuurgalo xaalada Ciidamada, waxaana uu kulan la qaadan doonaa Saraakiisha Ciidamada.

Amaanka Magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyey, waxaana laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo markii ugu horeysay tagaya Baydhabo, tan iyo markii la Magacaabay.

 


Loading...
Loading...