Maxaabiis Xabsi Ka Baxsaday Oo Shil Gaadhi Ku Dhintay
Dalka Lubnaan, shan maxbuus ayaa ku dhintay shil gaari, kadib markii baabuurkii ay ku baxsanayeen uu geedi foodda daray. Maxaabiista ayaa kamid ahaa tiro ka soo baxsatay xabsi ku yaal meel u dhaw caasimadda Beyrut.
69 maxbuus ayaa fursad u helay inay jebiyaan albaabada qolalkii ay ku xirnaayeen, sidaasna ay ku baxsadaan.
Shan iyo toban kamid ah maxaabiistaas ayaa gacanta lagu soo dhigay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Lubnaan, NNA. Mid kamid ah maxaabiista ayaa waxaa xabsiga dib ugu celisay hooyadii.
Laamaha ammaanka ayaa baaritaan ka waday deegaanka, waxaana dadka halkaa ku nool lagu wargeliyay inay feejignaadaan.
Shilka ayaa dhacay kadib markii lix kamid ah maxaabiista baxsadka ahaa ay xoog qaateen gaari marayay meel u dhaw xabsiga oo ku yaal degmada Baabda.
"Gaari
cad oo nooca Dacia ah ayaa afka daray geed wadada dhinaceeda ku yaal. Waxaa
saarnaa tiro maxaabiista soo goosatay ah oo ka afduubay darawalkii watay,"
ayay sheegtay wakaaladda NNA.
Waxa ay intaa raacisay in shan maxbuus ay ku dhinteen shilka, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.
Mas'uuliyiinta Lubnaan ayaa billaabay baaritaan ku aaddan ka baxsashada xabsiga.
Dacwad oogge ayaa sheegtay in aanay meesha ka saari doonin in nooc wadashaqeyn ah ay dhexmartay maxaabiista iyo ilaalada xabsiga.
BBC