Qalbidhagax oo shaaciyey qofka ay la tahay Inuu Lahaa amarkii loogu dhiibay Itoobiya

0
Sunday November 22, 2020 - 08:44:51 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 2236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalbidhagax oo shaaciyey qofka ay la tahay Inuu Lahaa amarkii loogu dhiibay Itoobiya

    Dhiibistii Qalbi-dhagax oo sababtay qalalaase siyaasadeed, kadib markii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhiibistii Qalbi-dhagax oo sababtay qalalaase siyaasadeed, kadib markii




C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ah Sarkaal ka tirsan Ururka ONLF ayaa ka hadlay cidii ka dambeeysay dhiibistiisii Itoobiya iyo xarig loo geystay oo uu in muddo xirnaa xabsi ku yaalla Magaalada Addis Ababa.

 

Qalbi-dhagax ayaa sheegay in mas’uuliyadda koowaad xarigiisa uu geystay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah Madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed, halka intii kale ee qeybta ka aheyd ay ahaayeen kuwo digreeto Madaxweyne lagu magacaabay.

 

C/kariin Qalbi-dhagax ayaa sheegay inay fiicnaan laheyd Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre wixii uu ku leeyahay iyo qeybtii uu ku lahaa dhiibdidiisa inuu u sheego shacabka Soomaaliyeed.

"Dambi kasta oo dhacay qeybta koowaad ama mas’uuliyadda koowaad waxaa is ka leh Madaxweynaha ummaddaan dooratay, dadka intiisa kale digreeto Madaxweyne lagu soo magacaabayay oo Baarlamaanka lagu geynayay, Mas’uuliyadda koowaad waxay fuuleysa oo lagala xisaabtami oo is ka leh Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo”ayuu yiri C/kariin Qalbi Dhagax.

 

Dhiibistii Qalbi-dhagax oo sababtay qalalaase siyaasadeed, kadib markii golihii Wasriirada RW Kheyre ay sheegeen in dhiibistiisu ahayd mid sharci ah oo waafaqsan heshiisyo dhexmaray labada dowladood.

Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) oo ahaa sarkaal ka tirsan ONLF oo bishii Agoosto ee sanadkii 2017-kii dowladda Federaalka Soomaaliya u gacan galisay Itoobiya, isagoo in muddo xirnaa.


Loading...
Loading...