Xasan Sheekh" Fahad yaasiin waxaa uu wadaa dumin Siyaasadeed"

0
Sunday November 22, 2020 - 08:38:12 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xasan Sheekh" Fahad yaasiin waxaa uu wadaa dumin Siyaasadeed"

    Isaga oo sii hadlaayay Xasan Sheekh ayuu tilmaamay in shirkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isaga oo sii hadlaayay Xasan Sheekh ayuu tilmaamay in shirkii




Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa Eedeyn kulul u jeediyay Taliyaha hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaran ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

 

Waxaa uu sheegay Xasan Sheekh in Fahad Yaasiin uu noqday Agaasimiha Madaxtooyada Soomaaliya, uuna ka shaqeynayo dumin siyaasadeed, taasina aan laga aqbali doonin, waa sida uu hadalka u dhigay Xasaan.

 

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa Taliye Fahad Yaasiin ku eedeeyay in uu marka hore dumiyay Ciidanka NISA, kadibna uu ku kor dumiyay Ciidanka Booliska dowladda Federaalka, isla markaana haatan uu qorsheynayo dumin siyaasadeed.

Isaga oo sii hadlaayay Xasan Sheekh ayuu tilmaamay in shirkii u furmay Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ay uga hadlayaa xaaladda dalka iyo Arrimaha Doorashada ka dhacaya dhammadka sanadkaan 2020/2021.

 

"Fahad yaasiin waxuu Dumiyay Madaxtooyada Soomaaliya, nabad sugida, Booliska iyo Siyaasadii dalka, laakiin waxa hadda ay ka Shirayaan Musharaxiinta ayaa ah in Siyaasadii dalka aanan la dumin” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuuud.

 

Hadalkaan ayuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ka sheegay Barnaamij Dood Wadaag oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Tala Soo Jeedinta oo Caawa uu ka qeyb galay, isla markaana lagu qabtay Magaalada Muqdisho.


Loading...
Loading...