Guddoomiyaha Aqalka Sare & C/ Kariim Guuleed oo ka wada-hadlay Arrimo xasaasi ah

0
Sunday November 22, 2020 - 08:37:04 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 987
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Aqalka Sare & C/ Kariim Guuleed oo ka wada-hadlay Arrimo xasaasi ah

    Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa dhinaciisa sheegay in loo baahan yahay talo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa dhinaciisa sheegay in loo baahan yahay talo,




Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ahna Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

 

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xaaladda dalka uu marayo, sida loo heli karo hannaan doorasho oo cadaalad ah iyo in guddiyada doorashada ay noqdaan kuwa lagu soo xulo hannaan lagu wada qanacsanyahay.

Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa dhinaciisa sheegay in loo baahan yahay talo, wadahadal, isu tanaasul iyo heshiis loo dhanyahay si loo helo xasillooni hore loogu socdo, laguna gaaro Doorasho xor iyo xalaal ah.

 

Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhankiisa sheegay in muhiim ay tahay helidda xal waara oo degdeg ah oo ay gaaraan saamileyda siyaasadda si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsanyahay.

 

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Maamulka Galmudug Cabdikariin ayaa kulan kale la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, kaasi oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashada.


Loading...
Loading...