Kal-fadhigii 44–aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Oo furmay

0
Saturday November 21, 2020 - 21:02:47 in News by A. Asbaro
  • Visits: 904
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kal-fadhigii 44–aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Oo furmay

    Hargeisa(HWN):-Waxa maanta si rasmiya u furmay kalfaďhigii 44-aad ee golaha Wakiillada Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(HWN):-Waxa maanta si rasmiya u furmay kalfaďhigii 44-aad ee golaha Wakiillada Somaliland.

Hargeisa(HWN):-Waxa maanta si rasmiya u furmay kalfaďhigii 44-aad ee golaha Wakiillada Somaliland.

Fadhigan oo ay ka soo qayb-galeen inta badan Mudanayaasha goluhu ayaa waxa shir guddoominayay Guddoomiyaha golaha Wakiillada Mudane Baashe Maxamed Faarax oo uu hareer fadhiyay guddomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle.



Fadhigan ayaa ugu horayn Faataxada loogu maray looguna Duceeyey ALLE Naxariistii jano ha ugu deeqee laba mudane oo geeriyooday intii fasaxa kalfadhiga lagu jiray oo kala ahaa.

1.AHN. Axmed Maxamuud Nuur
AHN Cabdikariin aw Cali Shabeel
Sidoo kale waxa golaha lagu soo dhaweeyey 4 mudane oo golaha ku soo biiray oo kala ah.
Xildhibaan Xasan Xuseen Codyare
Xildhibaan Jamaal Maxamed Warsame (Xiinwaal )
Xildhibaan Bashiir Sh. Ibraahim Bakaal
Xildhibaan Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Inni)

Kadibna waxa Mudanayaasha loogu qaybiyey Ajandaha kalfadhiga 44-aad oo lagu war geliyey inay beri Axada u soo diyaar garoobaan Ajandaha Doodiisa. Guddoomiyaha ayaa ugu danbayn mudanayaasha ku adkeeyey inay beri 9:00 Subaxnimo ka soo xaadiraan golaha waqtigana ilaaliyaan isagoo Fadhigii 1aad ee kalfadhiga 44aad sidaas ku soo xidhay.

Loading...
Loading...