Qabyaaladda Iyo Qabiilayntu Waa Qaran-jabka Dowladnimada Ku Dhisan Hannaan Sharci

0
Saturday November 21, 2020 - 19:53:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 882
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qabyaaladda Iyo Qabiilayntu Waa Qaran-jabka Dowladnimada Ku Dhisan Hannaan Sharci

    Faalo: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faalo: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Ka hor intii aanay magaalooyinku ka bilaabin dhulka Soomaalida ama aan lagu dhaqmi jitin hannaan qarannimo ah oo ay hagto dolwad ku dhisan sharci iyo dastuur qoran, waxa ay dadka Soomaalidu lahaayeen nidaam ismaamul qabiilaysan oo qabiil walba leeyahay talo iyo maamul u gaar ah, kana madaxbannaan qabiilooyinka kale.



Qabiilku waxa uu ahaa qaab lagu ilaaliyo dadka, duunyada iyo goobaha khayraadka ah ee ay wada leeyihiin bulshooyinka isku qabiilka ah, waxa kaloo ay lahaayeen summad ama calaamad u gaar ah oo lagu sunti jiray xoolaha ay dhaqdaan, sida geela, lo'da iyo adhiga. Waxa ay isugu hiilin jireen hab qabiil, waxaana ka dhexeeyey sharci ah in la wada ilaashado, la difaacdo wixii qabiilku wada leeyahay, dhegta iyo sharafta reerka in la wada ilaaliyo, xoolaha la soo wada dhaco ama si midaysan looga wada difaaco cid ka socota qabiil kale oo isku dayda inay dhacdo xoolaha leh summadda reerkooda. Ninku haddii uu arko geel ama xoolo leh summadda qabiilkooda waxa uu u ilaalin jiray si la mid ah xoolihiisa oo kale, isagoo ka difaacaya hadba wixii uu u arko inay cadaw yihiin oo ka soo jeeda qabiil kale oo aan reerkooda ahayn.


Dhaqanka noocaas ah ee ay Soomaalidu ku dhaqmi jirtay ka hor intii aanay jirin dowladnimada ama aan loo soo guurin dhinaca magaalooyinka, waxa uu ahaa dhaqan waxtar iyo waxyeelo isugu jiray, balse waxa xaqiiq ah in dhaqankii noocaas ah uu weli ka jiro degaannada Soomaalida, gaar ahaan dalka Somaliland, iyadoo ay isku dhex milmeen dowladnimada laga dhisay dalka iyo hannaankii qabiilayntu sharciga u ahayd, waxaana dhacda oo xaqiiq ah in Madaxweyne la doortay ay dad gaar ah u difaacaan hab qabiil, maadaama ay u arkaan inuu yahay nin qabiilkooda ka soo jeeda oo summaddii reerkoodu ay dhabanka kaga taalo. Wasiirka loo dhiibo xil qaran waxa ilaashada reer gaara oo ah qabiilka uu ka soo jeedo, iyagoo Wasiirka iyo Wasaaradda loo dhiibayba u haysta hanti reerkoodu leeyahay, waxayna cadaw u arkaan cidda reer kale ka soo jeeda ee dhaliisha Wasiirka ama wasaaradda uu madaxda ka yahayba.


Sidoo kale, xisbiyada qaranka oo sharci ahaan u dhigan inay yihiin xisbiyo qaran, waxa iyagana ilaashada hadba qabiilka uu ka soo jeedo ninka Guddoomiyaha u ah xisbiga, cidda dhaliil u jeedisana waxay u arkaan cadaw dagaal kula jira xisbigooda.


Allaah ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) waxa uu arrintan ka hadlay qiyaas ahaan dhawr iyo labaatan sanno ka hor, waana qayb ka mid ah barnaamijyo uu telefiishanka Jabuuti ka duubay haldoorka bahda suugaanlayda Soomaalida, waxaana xaqiiq ah in dhaqankaas gurracan ee uu maalintaas ka hadlayey uu yahay mid ilaa maanta si cad uga dhex muuqda dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo meelaha kale ee ay ka jiraan dowladdaha Soomaalidu, waana dhaqan aan weli la suulin oo caqabad ku ah qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo awoodaynta hannaanka dowliga ah ee ku dhisan sharciga iyo hannaanka dimuqraaddiga ah.


Faalo: Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro)

Hargeysa, Somaliland.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...