Guddoomiyaha Guurtidda Oo Ka Hadlay Dagaalka Ka Socda Dalka Ethiopia
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu sheegay in la Siyaasadeeyay shaqaaqadii ka dhacday
Hargeisa(HWN):-Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa waxa uu ka hadlay Dagaalka ka socda dalka Ethiopia ee u dhaxeeya TPLF ee Tigray iyo dawladda fadaraalka Ethiopia, waxaannu sheegay in dagaalkaas ay ka qayb-qaadanayso dawladda Masar oo sida tilmaamay ka daba-socota arrintii Biyo-xidheenka.
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu sheegay in la Siyaasadeeyay shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Shidan.
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaashu ahmiyadda ay u leeddahay Dalka, waxaannu ugu baaqay Xildhibaannada golaha guurtidda Somaliland inay arrintaas kaalin libaax leh ka qaataan, isla markaanna ay bulshadda wacyi-geliyaan oo u sheegaan muhiimadda ay leedahay Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha doorashooyinka oo 29 bishan November ka bilaabmaysa Deegaannada Awdal, Gabiley Iyo Baligubadle.
Guddoomiyaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu Mudaneyaasha golahaas ku adkeeyay inay soo qaataan oo aannay soo ilaabin Af-xidhka si ay uga hortagaan halista Xanuunka safmarreenka ah ee COVID-19.
Loading...
Loading...