"Diiwaan-gelinta Muddaba Looma Qabto.....Nimankaas Waxaan U Arkaa...." Cabdillaahi Jawaan

0
Saturday November 21, 2020 - 16:25:13 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Diiwaan-gelinta Muddaba Looma Qabto.....Nimankaas Waxaan U Arkaa...." Cabdillaahi Jawaan

    "Nimankaas Waxaan U Arkaa Niman Shaqo Tagay...Diiwaan-gelintuna Waa Inay Furnaataa..."Cabdillaahi Jawaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Nimankaas Waxaan U Arkaa Niman Shaqo Tagay...Diiwaan-gelintuna Waa Inay Furnaataa..."Cabdillaahi Jawaan

Hargeisa(HWN):-Siyaasiga Cabdillaahi Xaaji Cumar (Cabdillaahi Jawaan), oo ka mida Siyaasiyiinta waa wayn ee Somaliland, ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Ra'iisul-wasaarre ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Khadar Guuleed iyo Guddoomiyaha aqalka sarre ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdi.


Siyaasiga Cabdillaahi Jawaan ayaa labaddaas Masuul u soo jeeddiyay inay khilaafkoodda dhammaystaan, isla markaanna aan la iska horkeenin, waxaannu sheegay in labaddoodu u siman yihiin, isagoo sheegay inuu u arko Niman shaqo tagay oo aannu danbi u arkayn Shaqo tagoodda.
Garanayo Waxa Shakiga Loo Gelinayo Doorashadu Inay Dhacayso” Cabdillaahi- jawaan - Somaliland Post

"Anigu nimankaas waxaan u arkaa Niman shaqo tagay. Muqdisho sidaad ogtahay-ba Calanka shanta gees leh oo Shantii Soomaaliyeed u taagan ayaa Distoorka ugu qoran in Soomaali uu ka dhaxeeyo Calankaasi. Baarlamaankoodda waxa ku jira Djibouti, kuwo Ethiopia ka tagay ayaa ku jira, kuwo NFD iyo Kenya ka tagay ayaa ku jira iyo kuwii Soomaaliya joogay ayaa ku jira, markaa Shantii Soomaaliyeed-ba way ku jiraan Baarlamaanka dawladda fadaraalka Soomaaliya." Ayuu yidhi Cabdillaahi Jawaan

Waxaannu intaas ku daray oo uu yidhi "Laakiin waxaan ka xumahay in labaddii Masuul ee Ra'iisul wasaare ku-xigeenkii iyo Guddoomiyihii aqalka sarre oo la iska soo horjeediyay oo sidii gabdho yar yar jaariyaaya, waxay ku tahay gunnimo, waxay ku tahay fool-xumo, waxaan leeyahay waar ha wada hadlinee, haddii Cabdi Xaashi leeyahay masuulkii u sarreeyay baan ahaye haddii gobol lagu qaybinnaayo iyo haddii qabiil loo eeggaayaba wax ha la iga waydiiyo xaq buu u leeyahay, Mahdina waxaan leeyahay iskaashadda oo ha kala baydhinna. Labadiinuba isku mid baad ii tihiin, waxaannan idin arkaa niman shaqo tagay oo Soomaaliyoo dhan baa meesha u Shaqo tagay oo idinku eeddayn maayo ee iska shaqaysta, laakiin idinku ha iska hor imanina."

"Diiwaan-gelinta afar cisho, Shan cisho iyo toban cisho-toonna looma qabto adduunka, waanna khalad wayn. Diiwaan-gelintu waa inay furnaataa oo ruuxu marka uu Kaadhkiisa la tagaba la diiwaan-geliyaa oo Waraaqda codbixinta la siiyaa, laakiin in muddo loo qabtaaba khalad ah, waanna meelaha aynu ku khaldannahay ee aynu Dimuqraadiyaddii iyo Doorashaddiiba ka anbanayno oo qarda-jeexayno, waxa weeye maantoo kale ayaa middi qaadhaan noqonayaa waxa waajib ah innuu Kaadhka aqoonsiga ka soo qaato Wasaaradda arrimaha gudaha, dabadeedna la diiwaan-geliyaa oo kaadhka codbixinta la siiyaa, haddiise afar ama shan maalmood loo qabto ummaddeenu waa reer guurraa oo maba iman karto, waxaan daawannaayay habbeen dhawayd Togdheer oo ka hadlaysa oo leh Abbaar baa jirta, waa runtood oo Abaar baa jirta oo dadkuba doorasho ma geli karro, waayo dadkiiba way hayaameen oo Doollo ayay tageen" Ayuu yidhi Cabdillaahi Jawaan

Loading...
Loading...